Sabti, May 31, 2008(HOL): Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa saakay ku waabariistay Warqado Digniin ah oo ay kooxda Al-shabaab ku daadiyeen qeybo ka mid ah Magaalada oo maalmihii aynu soo dhaafnayba fariisin u aheyd Ciidamada ka tirsan kuwa Dowladda Itoobiya.
Warqadaha oo inta badan saakay lagu arkayay goobaha dadku ku qaxweeyo ayaa waxaa lagu qoray Digniino loo jeedinayo sida hadalka loo dhigay dhaliyarada dooneysa in ay ka mid noqdaan Ciidamada Maamulka Cusub ee Gobalka, dadka u iibgeeya Ciidamada Itoobiya Mopelka Gacanta iyo Cunooyinka kale, iyo waliba dadka iyagu goobaha Ganacsi ku leh meelaha ay joogaa Ciidamada.
Qoraalku waxaa uu intaa ku darayaa in ay muteysan doonaan Xukun dil ah shaqsiyaadka isku daya in ay xirtaan dareyska Ciidamada ama lagu arko iyaga oo ka ganacsanaya Xeryaha ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya, madaama ayaa lagu sheegay qoraalka Ciidamada Itoobiyaaku yihiin kuwo mar walba diyaar u ah dharbaaxo kaga timaada sida warqadaha lagu dhigay Ciidamada Mujaahidiinta.
Markii ugu horeysay ayaa saakay laga waayay goobaha istiraatijiga ah ee Magaalada Beledweyne Ciidamo Itoobiyaan ah oo ilaalo ka haya taa oo dad badani u fasireen in ay la xiriirto arintaa Warqadaha lagu daadiyay Magaalada, lakiin waxaa iyana jira warar sheegaya in Ciidamada Itoobiyaaku qorsheynayaan in gabi ahaan ay isaga guuraan gudaha Magaalada Beledweyne.
Sikastaba warqadaha xalay lagu daadiyay qeybo ka mid ah Magaalada Beledweyne ayaa dad badani waxaa ay ku abuureen cabsi la xiriirta qatar ka iman karta kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya kuwaa oo dad badani rumeysan yihiin in ay wali ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Magaalada Beledweyne, mar hadii ay wali jirto fursad ay ku gudbin karaa fariimahooda iyo waxyaabaha ay damacsan yihiin sida warqdadihii xalay lagu arkay oo kale Magaalada Beledweyne.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Warqado Digniin ah oo lagu daadiyay Gudaha Magaalada Beledweyne
Cabirka Farta
More News
- Weerar Caawa lagu qaaday Fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Ciidamadaas oo madaafiic u qeybiyay xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho
- Yuusuf Daba-geed oo sarkaal Itoobiyaan ah uu amar ku siiyay in uu isaga baxo Magaalada Beledweyne
- Wufuud ka kala socda Dowladda Federaalka, Isbaheysiga Dib u xoreynta, Bulshada Rayidka iyo Beesha Caalamka oo Jabuuti ku wada sugan
- Maleeshiyooyinkii shalay rasaaseeyay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo oo la sheegay in ay u diiwaangashanaayeen Dowladda Federaalka
- Maamulka Gobolka Banaadir oo ugu baaqay Hay’adaha Samafalka inay gargaar la gaaraan Dad ay waxyeello ka soo gaartay Roobab ka da’aya magaalada Muqdisho
- Roob 24 saac ka badan ka dayay Magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda oo saameyn ku yeeshay Dad isugu jiray kuwo barakacay iyo kuwo Qaxooti ah
- Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo u dhoofay Dalka Jibouti
- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo u codeynaya Qaraar Ciidamo Caalami ah loogu dirayo Xeebaha Soomaaliya
- Duqa Magaalada Gaalkacyo oo ugu baaqay Odayaasha iyo Waxgaradka Koofurta Gaalkacyo in ay soo qabteen maleeshiyooyin rasaaseeyay Garoonka Gaalkacyo
- Wejiga labaad ee Shirka lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda oo saacadaha soo socda ka furmaya Magaalada Djibouti