Wejiga labaad ee Shirka lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda oo saacadaha soo socda ka furmaya Magaalada Djibouti

Cabirka Farta

Sabti, May 31, 2008(HOL): Wejiga labaad ee Shirka lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa la filayaa in uu saacadaha soo socda ka bilowdo Magaalada Djibouti ee dalka Jibouti.

Horay waxaa Dalka Jibouti ugu sii sugnaa Ergooyinka Isbaheysiga Dib u Xoreynta, halka ay maanta magaalada Muqdisho ka amba baxeen Ergada Shirka uga qeybgeleysa Dowladda Federaalka.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa wuxuu horay  u sheegay in wejiga labaad ee wada hadallada lagu dhexdhexaadinayo Dowladda iyo Mucaaradka ka soo horjeeda ay maanta dib uga bilaabanayaan Magaalada Djibouti, isagoo ergooyinka labada dhinacna kula taliyay in ay isu tanaasulaan, isla markaana u daneeyaan Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada ku jira.

Wada hadalladan ayaa inta ay socdaan waxaa ergooyinka labada dhinac la kulmi doona xubno ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kuwaasi oo dhegeysan doona aragtida dhinacyada shirka loo qabtay.

Ould Abdallah ayaa mar uu todobaadkii hore saxaafadda la hadlayay wuxuu ugu baaqay dhinacyada Soomaalida ah ee shirka isugu imaanaya  in ay ka faa’iideystaan kulanka ay la yeelanayaan Wakiillada ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kuwaasi oo uu sheegay in aysan wada hadallo u imaaneynin dalka Jibouti balse u imaanaya Jibouti  in ay dhegeystaan aragtiyada dhinacyada is-haya ee ku aadan xal u helidda Mushkiladda Soomaaliya.

Shirkan ayaa la filayaa in ay isku soo horfariistaan dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, isla markaana ay ka wada hadlaan qodobo ay ka mid yihiin joogitaanka Ciidamada  Itoobiya ee dalka Soomaaliya iyo sidii dalka Soomaaliya Ciidamadaas looga saari lahaa, iyadoo shirkan-na uu yahay midkii labaad oo ay labada dhinac yeeshaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia