Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo u codeynaya Qaraar Ciidamo Caalami ah loogu dirayo Xeebaha Soomaaliya

Cabirka Farta

Sabti, May 31, 2008(HOL): Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniinta soo socota waxaa uu u codeynayaa qaraar ciidamo caalami ah loogu dirayo Xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo la dagaalami doona Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya.

Qaraarkan oo la soo dhameystiray Jimcadii ayaa haddii uu golaha Ammaanka u codeeyo wuxuu ogolaanayaa inay Xeebaha Soomaaliya galaan Ciidamo Caalami ah, kuwaasi oo la dagaalami doona Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Doomaha iyo Maraakiibta qafaasha.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qaraarka uu u codeynayo wuxuu jawaab u yahay codsiyo ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon, kuwaasi oo ahaa in Xeebaha Soomaaliya la geeyo Ciidamo la dagaalama Burcad Badeedka.

Ciidamada loo dirayo Xeebaha Soomaaliya oo gacan wada shaqeyneyd ka heli doona Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay joogi doonaan halkaas muddo lix bilood ah, iyagoo Xeebaha Soomaaliya ka ilaalin doona Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay.

Xeebta Soomaaliya oo ah tan ugu dheer Afrika (1,880 miles) ayaa sanadkii la soo dhaafay oo kaliya waxaa ka dhacay in ka badan 25 weerar oo lagu qaaday Maraakiib iyo Doomo isugu jiray kuwo Gargaar waday, kuwo Ganacsi, Kalluumeysi iyo kuwo ay saarnaayeen Dalxiisayaal, waxaana haatan Xeebaha Soomaaliya ku af-duuban seddex Markab oo labo ka mid ah laga leeyahay Dalalka Jarmalka iyo Holland.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia