Sabti, May 31, 2008(HOL): Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo muddooyinkan la joogay Deegaanka Janta-Kuundisho Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa waxaa amar lagu siiyay in uu isaga baxo Magaalada Beledweyne.
Sarkaalka hoggaaminaya Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa lagu soo waramayaa in uu Yuusuf Daba-geed amar ku siiyay in uu isaga tago magaalada Beledweyne, iyadoo aanu sheegin sababta keentay in uu ka ceyriyo Magaalada.
Yuusuf Daba-geed oo qudhiisa la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa wuxuu sheegay in uu amarkaas soo gaaray balse uusan meelna uga socon magaalada Beledweyne, “Aan Janta-kuundisho joogo ama aan gudaha Beledweyne joogee, halkan waa meeshii aan ku dhashay meelna ugama socdo”ayuu yiri Yuusuf Daba-geed.
Yuusuf Daba-geed oo sii hadlayay waxaa uu sharci darro ku tilmaamay in Ciidamada Itoobiyaanka ay gudaha u galaan Magaalada Beledweyne, “Heshiiska dhexmaray Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ka mid ma ahayn in ay Ciidamada Itoobiyaanka galaan xarumaha Maamulka Gobolka iyo Xabsiyada, arrintaasna waa ku qaldan yihiin”ayuu yiri Yuusuf Daba-geed oo Ciidamada Itoobiyaanka ay horay uga qaadeen hubkii uu heystay.
Ilaa iyo haatan ma cadda sababta keentay in uu sarkaalka hoggaaminaya Ciidamada Itoobiya uu amarkaas siiyo Yuusuf Daba-geed oo muddooyinkan la joogay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Deegaanka Janta-kuundisho, waxaase loo maleynayaan in uu amarkaas yahay mid ka yimid dhinaca maamulka cusub ee ay Dowladda Federaalka u magacawday Gobolka Hiiraan bacdamaa uu Yuusuf Daba-geed weli ku adkeysanayo in uu yahay Guddoomiyaha sharciga ah ee Gobolka.
Intii uu Yuusuf Daba-geed ahaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan lama maqli jirin isagoo sharci darro ku tilmaamaya Ciidamo Itoobiyaan ah oo gudaha u soo geli jiray Magaalada Beledweyne, waxaase tan loo qaadan karaa inay isku dhaceen isaga iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolka Hiiraan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia