RA’IISAL WASAARE NUUR CADDE: “Aad ayaan uga xumahay in wax aad ku qaban weyseen seddex sanadood aad tiraahdaan maxaad ugu qaban weysay seddex Bilood”

Cabirka Farta

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
Sabti, May 03, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo maanta maalintii labaad hor-tegay baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ka jawaabay su’aalo badan oo ay Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka weydiiyeen.

Su’aalaha la weydiiyay Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa waxa ay Xukuumaddiisa ka qabatay dhinacyada ammaanka, dib u heshiisiinta, sida loo maamulay dhaqaalaha dowladda soo galay iyo sicir bararka dalka ka jira ee ay sababta u tahay lacagaha la daabaco.

Ra’iisal Wasaaraha oo la weydiiyay sababta keentay in Dib u heshiisiinta ay Xukuumadda waddo lagu koobo beesha uu ka soo jeedo, ayaa wuxuu sheegay in Dhibaatada Soomaaliya meesha ay ka taagan tahay ay tahay Magaalada Muqdisho, taasi oo sida uu yiri la ogyahay cidda dhibaatada ka wadda.

Intii aanan la magacaabin Xukuumadda aad Ra’iisal Wasaaraha ka tahay Dowladda waxay gacanta ku heysay 80% gobollada dalka, haddana gacanta kuma heyso xitaa 2%, marka xukuumaddaada maxay ka qabatay dhinaca ammaanka dalka ayay ahayd su’aal kale oo la weydiiyay Ra’iisal Wasaaraha “Markii Xukuumadda la magacaabay Xamar ayaan tagnay, waxaana nagula soo dhaweeyay 7 Madfac oo hoobiye ah, 5 Maalmodna waa nalagu waday, marka taasi ma amni 80% ah ayaa la dhihi karaa, haddii la dhihi karo waa su’aal meesha ku jirta” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo intaas ku sii daray “Aad ayaan uga xumahay in wax aad ku qaban weyseen seddex sanadood aad tiraahdaan maxaad ugu qaban weysay seddex Bilood”.

Waxaa kale oo la weydiiyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde sida loo maamulo dhaqaalaha Dowladda soo gala, wuxuuna sheegay in aysan weli dowladda helin dhaqaale buuran, isla markaana dhaqaale yar oo ka soo gala dhinaca Dekedda Muqdisho loo isticmaalo mushaarka Ciidamada.

Lagama harine waxaa la sii su’aalay sababta loo joojin waayay dhuxusha iyo dalagyada dalka ka soo go’a ee Dekedaha Dalka laga dhoofiyo, wuxuuna isku difaacay in Xukuumaddiisa ay muddo seddex bilood ah joojisay in la dhoofiyo dalagyada dalka ka soo go’a sida Galleyda, Digirta, Salbukada, Sisinta, Saliidda iyo wixii kale ee dalka ka soo go’a.

Su’aal kale oo la weydiiyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxay ahayd waxa ay Xukuumaddiisa ka qabatay sicir bararka dalka ka taagan ee ay dadka Soomaaliyeed ka cabanayaan, kaasi oo salka ku haya lacago been abuur ah oo la soo daabacay, wuxuuna su’aashaas uga jawaabay in sicir bararka jira looga bixi karo iyadoo ay Dowladda Federaalka soo sameyso lacag cusub, isla markaana ay xareyso dhamaan lacagaha been abuurka ah, inkastoo uusan xusin waqti cayiman oo ay Dowladda lacagtaas soo sameyneyso.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa markii uu su’aalahaas ka jawaabay waxaa uu u dhoofay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu uga sii amba bixi doono Dalal kale oo uu ka xusay Dalka Masar.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia