Sabti, May 03, 2008(HOL): Shalay iyo Xalay ayaa Dad badan waxaa siyaabo kala duwan loogu dhaawacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Dayniile iyo Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.
Shalay maqribnimadii ayaa Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku jira Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium waxay madaafiic ku garaaceen Xaafadaha Gubta iyo Ciise Cabdi ee Degmada Dayniile, iyadoo madaafiicdaasina la sheegay in ay Ciidamada uga jawaabayeen madaafiic lagu garaacay fariisinkooda ku yaala Muqdisho Stadium.
Ilaa shan qofood oo isugu jiray Caruur iyo Dad waa weyn ayaa madaafiicdaas Itoobiyaanka tuureen ku dhaawacmay, waxaana haatan dadkaasi lagu daweynayaa Isbitaalka Dayniile ee Magaalada Muqdisho.
Dhanka kalena, rasaas ay fureen Ciidamo ka amar qaata maamulka Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhaawacmeen Dad 10 ruux ku dhow, kuwaasi oo iyana dhaawacooda la dhigay Isbitaalka Madiina oo ka mid ah Isbitaallada Muqdisho.
Ciidamada Degmada Dharkeenley ayaa la sheegay in ay Rasaasta fureen kadib markii ay Kooxo hubeysan ay bambo gacmeedyo ku weerareen, xili ay howlgallo nabad-sugid ah ka sameynayeen deegaanka Mac-macaanka ee Degmada Dharkeenley.
Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkan waxaa ku soo badanayay weerarrada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo ay xusid mudan tahay in iska hor-imaadyadaas ay inta badan dhacaan xiliga habeenkii.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia