Saraakiil ka tirsanaa Dowladda Federaalka oo Magaalada Beledweyne kaga dhawaaqay in ay iska casileen howlahoodii shaqo

Cabirka Farta
Sabti, 3, May, 2008 (HOL):  Waxaa si weyn isu soo taraya Gobalka Hiiraan is-casilaada ay sameynayaan Xubno xilal kala duwan ka yahay Dowladda Federaalka, kadib markii uu meesha ka baxay Maamulkii Gobalka taa oo keentay in gacan ku heynta Magaalada Beledweyne la wareegaan kooxaha ku kacsan Dowladda Federaalka.
 
Saraakiil ay ka mid yihiin G/Sare Cali Xaaji Jaafuli, G/Sare, Aadan Dheere iyo waliba G/sare Abuukar Burus oo dhaamaantood xilal kala duwan ka hayay talisyada Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa HOL u sheegay in ay isaga tageen howlihii ay ka yaheen Ciidamada sababo dhinaca Nabad-galyada ah.
 
G/sare Cali Xaaji Jaafuli waxaa uu sheegay in sababta keentay is-casilaatoodu tahay waqtiga lagu jiro oo ah mid aan saamaxeyn in lagu shaqeeyo, waxaana uu intaa ku daray in Dowladda Federaalka Soomaaliya u muuqato mid xilgan aan ku filneyn sugida Nabad-galyada shaqsiyaadka la shaqeeya, isaga oo intaa ku daray in wixii hada ka danbeeya aysan diyaar u aheyn la sii shaqeynta Dowladda Federaalka.
 
Gobalka Hiiraan oo la oran karo xiligan kama jiro Maamul shaqeynaya waxaa ay cabsi xoog leh soo foodsaartay dhamaan Xubnihii la shaqeyn jiray Maamulkii hore ee Dowladda Federaalku badashay, waxaana xaalada uga sii daray dilkii dhawaan kooxo hubeysan u geysteen Taliyihii Ciidamada Malatariga Gobalka Hiiraan Col. C/laahi Faarax Juuni oo xili habeenimo ah lagu weeraray Gurigiisa.
 
Dhinaca kale waxaa ka socda gudaha Gobalka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledweyne kulamo iyo shirir ay leeyihiin Duubabka dhaqan iyo wax-garadka Gobalka Hiiraan kuwaa oo dhamaantooda lagaga arinsanayo sida laga yeeli lahaa xalaada dhinaca Nabad-galyada ah ee ka jirta Gobalka, iyo waliba arimaha dhinaca Maamulka kadib markii intooda badan ay is-casileen Xubnihii dowladda Federaalku u soo magacaawaday Maamulka Gobalka Hiiraan.
 
Inkastoo Gobalka Hiiraan bilihii ugu danbeeyay uu lugaha la galay maraxlado xabaarsan iska hor'imaadyo u dhaxeeya kooxaha ku kacsan Dowladda ayaa hadana waxaa dhinaca kale faro kulul ku haya abaaro saameyay dadka iyo duunyada ku dhaqan qeybo ka mid ah Gobalka kuwaa oo meelaha qaar la leeyahay waxaa jira dad u dhintay haraad iyo Nafaqo daro ay sababtay abaartu.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia