Sabti, May 03, 2008(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay shaaca ka qaaday in ay diyaar u tahay ka qeybgalka Shirka Dib u heshiisiinta ah ee lagu wada hadalsiinayo iyada iyo mucaaradka ka soo horjeeda.
Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Wasiirka Warfaafinta Axmed C/salaan Xaaji Aadan ayaa sheegay in ay Dowladda diyaar u tahay ka qeybgalka Shirkaas, isla markaana ay diyaarineyso guddigii shirkaas ka qeybgeli lahaa.
Ra’iisal Wasaare ku xigeenka waxaa uu sheegay in ay Dowladda diyaar u tahay wada hadal kasta oo lagu xalilayo Mushkiladda Dalka Soomaaliya, isagoo carrabka ku dhuftay in aysan jirin wax shuruud ah oo ay wada hadalladaas ku xirayaan.
Hadalka Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya uu sheegay in uu ka fiirsanayo wada hadallada lagu wado in ay horraanta bishan ku yeeshaan dalka Jabuuti Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda, iyadoo hadalkaasina ay mas’uuliyiinta Isbaheysiga sii daayeen kadib markii dagaallo dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho lagu dilay Culumaa’udiin ka tirsanaa Dariiqada Tabliiqa, sidoo kalena dabayaaqadii todobaadkii hore ay Mareykanka duqeeyeen Guri ku yaala Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud.
10-ka bishan ayaa lagu wadaa in ay Dalka Jabuuti ku kulmaan guddiyo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, kuwaasi oo iyadoo ay dhexdhexaadineyso Qaramada Midoobay ka wada hadli doona arrimo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa Mushkiladda Soomaaliya, iyadoo la sheegayo in guddiyadan oo min 7 xubnood ka kooban ay yihiin kuwo farsamo oo ka shaqeynaya sidii loo qaban lahaa kulan weyn oo ay isugu yimaadaan Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia