Sabti, May 03, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa maanta wuxuu mar kale hor-tegayaa Baarlamaanka Soomaaliya, si uu uga jawaabo Su’aalo ay dorraad weydiiyeen Mudanayaasha Baarlamaanka.
Su’aalaha uu Ra’iisal Wasaaraha ka jawaabayo ee ay Mudanayaasha weydiiyeen ayaa waxaa ka mid ah waxyaabihii ay Xukuumaddiisa ka qabatay Nabadgelyada Dalka, Dib u heshiisiinta iyo Dhaqaalaha soo galay Dowladda.
Mudanayaasha qaarkood ayaa markii ay su’aalaha weydiinayeen Ra’iisal Wasaaraha waxay sheegeen in Xukuumadda aysan wax ka qaban arrimaha Nabadgelyada iyo Dib u heshiisiinta, dalkuna uu xaalad adag galay tan iyo wixii ka dambeeeyay markii la soo dhisay Xukuumadda cusub.
Ra’iisal Wasaaraha oo si hordhac ah uga sii jawaabay qaar ka mid ah su’aalahaas la weydiiyay ayaa wuxuu sheegay in ay Xukuumaddiisa wax badan ka qabatay dib u heshiisiinta, isagoo sheegay in dowladda ay haatan qorsheyneyso in ay wada hadallo la furto mucaaradka dowladda ka soo horjeeda, sidoo kalena ay dadaal ugu jirto Xukuumaddiisa sidii ay ammaanka wax uga qaban lahayd, isagoo mar uu ka hadlayay dhinaca dhaqaalaha Dowladda soo galayna sheegay in aysan dowladda helin dhaqaale basle ay heshay ballanqaadyo ay dhaqaale ku siinayaan Dowladdo saaxib la ah Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa Baarlamaanka hor-tegay kadib markii ay Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka ay soo jeediyeen Mooshin ku saabsan in uu Ra’iisal Wasaaraha Baarlamaanka hor-tago, si su’aalo looga weydiiyo arrimo dhowr ah oo ku saabsan waxyaabaha ay Xukuumaddiisa qabatay tan iyo markii la magacaabay
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia