Khamiis, May 29, 2008(HOL):Gabdho Soomaaliyeed oo ku sugan Dalka Denmark ayaa waxay deeq lacageed gaarsiiyeen Dad ka barakacay magaalada Muqdisho oo qaxooti ku ah Deegaanka Ceelasha Biyaha oo ku yaala inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Deeqda Lacageed ee ay soo direen Gabdhahan oo ay wakiil ka ahayd Caasha Axmed Cilmi ayaa waxaa loo qeybiyay Dad ku sugan Xero ku taala Deegaanka Ceelasha Biyaha, taasi oo ah mid ay ku nool yihiin Dad dhibaatooyin nololeed qaba.
Lacagta ay soo direen Gabdhahan ku nool Dalka Denmark oo dhameyd 435$ ayaa waxaa lagu soo hagaajiyay oo qeybiyay Inj. Caydaruus Axmed iyo C/kariin Aadan oo Guddoomiye iyo ku xigeen ka kala ah Urur Samafal oo lagu magacaabo Green Line Community Development Institute.
Qaar ka mid ah Dadkii Deeqdaas Lacageed loo qeybiyay ayaa waxay u mahadceliyeen, una duceeyeen Gabdhaha deeqda lacageed u soo dhiibay weliba xili ay u baahnaayeen, waxayna Allaah uga baryeen in uu bedel kheyr qabo siiyo.
Waxaa xusid mudan in markii Dadkani guryahoodii ka barakacay Lacagta loo qeybiyay ay qaarkood nolosha ku adkeyd, isla markaana ay macluul qarka u saarnaayeen.
Inj. Caydaruus Axmed oo ka mid ah mas’uuliyiinta Ururka Green Line Community Development Institute ee Deeqda Lacageed lagu soo hagaajiyay ayaa wuxuu sheegay in baahida ay qabaan dadka ka barakacay Magaalada Muqdisho ee ku nool inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ay tahay mid baaxad leh, wuxuuna ugu baaqay Dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku dhaqan in ay u soo gurmadaan walaalahooda Soomaaliyeed ee dalka gudahiisa ku dhibaateysan.
Inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa ku sugan Dad badan oo ka cararay guryahoodii Muqdisho ku yaalay kadib markii ay noqdeen Aagag dagaal oo ay mar kasta iska hor-imaadyo ka dhacaan, iyadoo dadkaasina ay isugu jiraan kuwo nolol maalmeedkooda hela iyo kuwo aan helin oo manaafacaadsada wixii sidan oo kale ay ka helaan Soomaalida Dibadaha ku nool iyo weliba mucaawino aan badneyn oo ay u qeybiyaan qaar ka mid ah Hay’adaha Gargaarka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia