Khamiis, May 29, 2008(HOL): Af-hayeenka Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho Major Bridgye Bahuko ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan la soo weerarayo, isagoo sheegay in haddii la soo weeraro ay is-difaaci doonaan.
Major Bahuko waxaa uu sheegay in warar ay ka heleen sir-doonkooda ay sheegayaan in Kooxo hubeysan oo ku sugan Deegaanno ka tisan Degmada Dayniile ay qorsheynayaan weerarro ay ku qaadaan Ciidamada fariisimada Ciidamada Amisom ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan midka Isgoyska KM4.
Major Bahuko oo qadka Taleefoonka ugu waramayay HOL ayaa wuxuu sheegay in haddii la soo weeraro ay is-difaaci doonaan, isla markaana aysan gacmaha laaban doonin, "Waanu is-difaaci doonnaa haddii ay kooxaha hubeysan weerar nagu soo qaadaan, gacmahana kama laaban doonno, Ciidamadeenana si fiican ay u garanayaan in ay is-difaacaan"ayuu yiri Major Bridgye Bahuko oo ah Afhayeenka Ciidamada Amisom.
Waxaa uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Amisom oo sii hadlayay in ay dhexdhexaad ka yihiin Arrimaha Soomaaliya, isla markanaa ay Soomaaliya u joogaan nabad ilaalin, wuxuuna beeniyay in ay la jiraan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay gacan siiyaan.
Dhanka kalena, Afhayeenka Ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in ay howlo dayactir ah ka bilaabeen Wadada isku xirta Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, wuxuuna sheegay in marka ay dayactirkaas dhameeyaan kadib ay yaraan doonaan khataraha Ciidamada Amisom uga yimaada Wadadaas, gaar ahaan Miinooyinka loo dhigo.
Dhawaan ayay ahayd markii ay Miino kula qaraxday Ciidamada Amisom Wadada isku xirta Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyadoo halkaasina ay ku dhaawacmeen shan Askari, iyadoo ay sidoo kalena jireen qaraxyo Wadadaas lagula beegsaday Ciidamada Amisom
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia