Ciidamo Itoobiyaan ah oo raashin u qeybiyay Dad ku nool Xaafado ka tirsan Deegaanka Towiiq ee Degmada Yaaqshiid

Cabirka Farta

Khamiis, May 29, 2008(HOL: Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa maanta markii labaad waxay raashin u qeybiyeen Dad ku nool Xaafado ka tisan Deegaanka Towiiq ee Degmada Yaaqshiid.

Safiirka Dowladda Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya Fisaha Shawel ayaa sheegay in raashinka loo qeybinayo Dadka ku sugan Xaafadahaas uu yahay mid lagu soo  iibiyay lacag ay Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Muqdisho ka jareen mushaarkooda, wuxuuna intaas ku daray in ay taasi muujineyso sida ay uga damqanayaan dhibaatooyinka nololeed ee heysta Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Magaalada Muqdisho, waa sida uu hadalka u yiri.

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Fisaha Shawel oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha Xaruntii Xisbiga  oo u dhow Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa waxaa uu sheegay in raashinka ay Ciidamadooda qeybinayaan uu isugu jiro Bariis, Saliid iyo Haruur.

Intaas kadib Safiirka waxaa uu intaas ku daray in ay Ciidamo ahaan yareeyeen howlgalka ay Ciidamadooda ka sameynayeen Soomaaliya, “sida ay igu soo wargeliyeen Saraakiisha Ciidamadeena jooga Gobollo badan oo ka mid ah Soomaaliya waa la dhimay howlgalladii ay Ciidamada sameyn jireen, waxaana taas ugu wacan ma jirto khatar Ciidamada Itoobiya uga imaaneyso Shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Fisaha Shawel oo carrabka ku dhuftay in ay jiraan weerar ay mar mar Ciidamadooda kala kulmaan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Dhanka kalena, Ciidamada Itoobiyaanka ayaa markii ay raashinkaas qeybiyeen waxaa lagu weeraray madaafiic hoobiyayaal ah oo ku dhacday Xaruntii Xisbiga iyo Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, iyadoo xiliga madaafiicdaas dhaceysayna ay Xarunta Xisbiga ku sugnaayeen Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Fisaha Shawel iyo mas’uuliyiin ka socday maamulka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ay ka mid ahaan Ku xigeennada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee kala ah Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur iyo C/fataax Ibraahim Sabriye Shaaweey.

Waxay ahayd markii labaad oo ay Ciidamada Itoobiyaanka raashin u qeybiyaan Dad ku sugan Magaalada Muqdisho, waxayna horay Raashin ugu qeybiyeen Dad ka barakaca Magaalada Muqdisho oo ku sugan Deegaanno ka tirsan Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia