Maxaa ka jira wararka sheegaya in Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee jooga Beledweyne loo sheegay in ay isaga baxaan Magaalada?

Cabirka Farta
Khamiis, May 29, 2008(HOL): Waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegaya in Saraakiisha Ciidamda Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne ku wargaliyeen mas'uuliyiinta Maamulka Cusub ee Gobalka Hiiraan mudo gaaban kadib in Ciidamada Itoobiyaanku dib ugu laaban doonaan fariisinkoodii Jant-kuundhisho, sadaa daraadeed maamulka cusub looga fadhiyo in uu hanto amaanka Magaalada.
 
Warku waxaa uu intaa ku darayaan in arintani ay ku timid cadaadis Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka Gobalka Hiiraan ku saareen Ciidaamada Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne in ay dib ugu laabtaan fariisinkoodii hore si markaa loo dajiyo niyada shacabka oo maalmihii ugu danbeeyay siweyn uga barakacayay Magaalada, taasoo sida wararku sheegayaan Saraakiishu aqbaleen.
 
Lakiin waxaa dhinaca kale jira wal wal iyo cabsi Itoobiyaanku ka qabo awooda Maamulka hada ka jira Gobalka oo ilaa hada aan laheyn Ciidamo ugu yaraan hanan kara amaanka Magaalada Beledweyne oo ah halka sida rasmiga ah Maamulku uga taliyo, waxaa iyana dhinaca kale soo baxaya shaki laga qabo in ay isku dhacaan labada Mas'uul ee mid walba sheeganaya in uu yahay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan kuwaa oo dad badani qabaan in ay kala dhax joogaan Ciidaamda Itoobiya.
 
Warka ku saabsan hadalka ka soo yeeray dhinaca Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne ayaa dhinac marka laga eego dadku siweyn u soo dhaweynayaa, balse waxaa muuqneysa in hadii ay ka baxaan Ciidamada Itoobiya gudaha Magaalada Maamulka cusub uu la kulmi doono cabqabado is hortaagi kara howlihii loo soo xilsaaray, waayo waxaa wali qeybo ka mid ah Magaalada ku sugan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda oo mar marka qaar weeraro ku qaada Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne.
 
Dhinaca kale Madaxa danbi baarista Gobalka Hiiraan G/le Max'ed Max'ud Garaar oo shir Saxaafadeed ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Beledweyne ayaa durbaba ku eedeyay Gudoomiyaha cusub in uu dhagaha ka fureystay talooyin ay u soo jeediyeen Saraakiisha Ciidamada kuwaa oo ku taliyay in la dhiso Ciidamo kuwa Itoobiya la qabta howlaha sugida Nabad-galyada si markaa loo kalsooni galayo shacabka, isaga oo intaa raaciyay in Gudoomiyaha cusub uu u muuqdo nin kaligii talis ah oo sida uu hadalka u dhigay doonaya in uu ka socda Maskaxdiisa oo kaliya.
 
Eedeynta uu soo jeediyay G/le Garaar ayaa muuqneysa sida Mas'uuliyiinta cusub ee Maamulka Gobalka iyo Saraakiisha Ciidamada isugu waafaqsaneyn howlaha Ciidamada Itoobiyaanku hayaan, maadaama aysan jirin Ciidamo Soomali ah oo ka howl-gala gudaha Magaalada Marka laga reebo kuwo Dowladda Itoobiya.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia