Khamiis, May 29, 2008(HOL): Dukaamo badan ayaa dib loogu noqday kadib markii ay yara istaageen mudaharaadyo looga soo hor jeeday Dadka Qoxootiga ah ee ku nool Dalka Koonfurta Africa.
Tuulooyinka dib loogu noday ayaa waxaa kamid ah Tuulada Diepsloot oo laga soo bara kiciyay in kabadan 20 dukaan oo ay ku lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed Tuuladaas iyadoo ilaa iyo hadda ay ku labteen dadkii lahaa 8 dukaan.
Cali Xuseen Axmed (Cali Qoorey) oo ka mid ahaa Ganacsatada Diepsloot laga soo bara kiciyay oo u waramayay HOL ayaa sheegay in dib loogu laabtay Tuuladaas kadib wada hadal dhax maray Police ka iyo Odayaasha Tuuladas iyo Ganacsada Soomaalida isna uu rajeynayo in uu ku laabto maalmaha soo socdo haddii uu Alle idmo.
Sidoo kale waxaa lagu laabtay Tuulooyinka Sakani, Tuwatuwa iyo Tambiza oo ay ku laabteen Dukaamo dhowr ah halka Ganacsatada qaarna ay ii xaqiijiyeen in aysan heysan wax ay kula laabtaan maadama la gubay Dukaamadoodii iyo wixii u dhax yaalayba.
Arintan ayaa ku soo beegantay xili dad badan oo Soomaali iyo Ajaanib kale isugu jira ay ku xareysan yihiin Teendhooyin looga dhisay duleedyada magaalada Cape Town iyo Johannesburg iyadoo Wadamada qaarna ay kala baxeen dadkii ka joogay Wadanka South Africa.
Wadanka Mozambique ayaa kala baxay kumanaan muwaadiniin ah halka Soomaalidu ay waayeen meel ay maciin sadaan oo aan ahayn Qaramada Midoobeey iyo hay’adaha deeqda bixiya Maadaama aysan ilaa iyo haatan helin cid u doodda.
Saciid Cabdulle Herow, Hiiraan Online
[email protected]
Johannesurg South Africa