Sabti, May 17, 2008(HOL): Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo weli aan wareejin Xilka Guddoomiyenimada Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo xubno Golahiisa Wasiirrada ka tirsan oo kala ah Nuur Iidow Beyle iyo Muuse Nuur Amiin ay uga hiiliyeen kooxaha muqaawamada ee maamulkiisii ka saaray Gobolka Hiiraan.
“In muddo ah ayaan dagaal kula jirtay Kooxahaas Muqaawamada oo sida lala socdo waxaa Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Magaalada Beledweyne lagu dilay xubno ka tirsanaa maamulka aan madaxda ka ahay, gurigeygii ayaa la gubay, xarumihii maamulka ayaa la gubay, markii aan marnay intaas oo dhibaato ah ayaa waxaa abaalkeena laga dhigay in nala yiraahdo maamul kale ayaa Gobolka loo soo magacaabay, arrintaasna ma ahan mid na qabata”ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo intaas ku daray in xitaa hubkii uu isku difaacayay lagala wareegay.
Yuusuf Dabageed ayaa hadalkan wuxuu jeediyay isagoo qadka taleefoonka uga qeybqaadanayay Shir Jaraa’id oo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ay maanta ku qabteen Magaalada Baydhabo.
Dhanka kalena, Xildhibaan Cali C/llaahi Cosoble oo ka mid ah Xidlhibaannada Shirka Jaraa’id Baydhabo ku qabtay ayaa wuxuu sheegay in maamulka ay Dowladda Federaalka u magacawday Gobolka Hiiraan uu yahay mid aan sharci ahayn, wuxuuna farta ku fiiqay in Guddoomiyaha saxda ah ee Gobolka uu yahay Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.
“Arrintaas ma ahan mid aan aqbali karno, Dadka Gobolka Hiiraan-na ay aqbali karaan, waana wax aan sharci ahayn in iyadoo maamul uu jiro maamul kale dusha looga keeno, waxaana taasi u arkeynaa arrin ujeeddo gaar ah laga leeyahay oo la doonayo in dhibaato looga abuuro Gobolka Hiiraan”ayuu yiri Xildhibaan Cali C/llaahi Cosoble.
Wuxuu ahaa Shir Jaraa’id ee labaad oo ay Xildhibaanadan qabtaan, ilaa iyo hataanna ma jiraan wax ay shirarkooda soo kordhiyeen waayo waxaa shalay gaaray Magaalada Beledweyne Guddoomiyaha cusub ee ay Dowladda Federaalka u magacawday Gobolka Hiiraan Axmed Maxamed Axmed iyo Duqa Magaalada Beledweyne Aadan Cabdi Ciise Garaaso.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia