Sabti, May 17, 2008(HOL): Markabkan oo lagu magacaabo MV. Victoria ayaa waxaa uu u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed, waxaana leh shirkad lagu magacaabo Marwan Shiping Company, oo saldhiggeedu yahay Dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta.
Ilo ku dhow dhow ganacsatada uu raran yahay Markabkan ayaa sheegay in Markabkan oo ka soo shiraacday Deked ku taala Dalka India uu wado 4000 oo Tan oo Raashin noocyo kala duwan leh, waxaana laga qafaashay maanta meel 60 mile u jirta Dekedda Muqdisho.
Ilaa iyo haatan lama oga halka ay Kooxaha Markabkan qafaashay la aadeen waxaase loo maleynayaa in ay u kaxeysteen meelihii ay ku qarsan jireen Maraakiib dhowr ah oo ay horay u qafaasheen, waxaana lagu soo waramayaa in ay markabkan saaran yihiin shaqaale 20 ku dhow oo isugu jira Hindi, Bakistan, Bangaladhesh iyo Tanzaniyaan.
Qafaalashada Markabkan oo u rarnaa ganacsatada Soomaaliyeed ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo Xeebaha Soomaaliya ay ku sugan yihiin Maraakiib Dagaal oo ay leeyihiin qaar ka mid ah Dalalka Reer Galbeedka, kuwaasi oo sheegay in ay halkan (Xeebaha Soomaaliya) u joogaan inay la dagaalamaan Kooxaha Burcad Badeedka ah ee qafaasha Maraakiibta iyo Doomaha wada gargaarka bani’aadannimada.
Sidoo kalena qafaalashada Markabkan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo shalay Ciidamo Faransiis ah oo ku hubeysnaa Taangiyada Badda iyo Berriga ku socda ay ka soo degeen Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo muddo saacad ku dhow ku sugnaa Teendhooyin ay ku sameysteen Xeebta Liido, iyagoo kadibna ku laabtay Markabkii ay ka soo degeen.
Dhawaan ayay ahayd markii Markab dagaal oo uu Faransiiska leeyahay uu Xeebaha Gobolka Mudug ku weeraray Kooxo Burcad Badeed ah oo af-duubtay Doon ay saarnaayeen Dalxiisayaal Faransiiska u dhashay, iyadoo lix ka mid ah Kooxdii Burcad Badeedka ahaydna lagu qabtay weerarkaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia