Xildhibaannada Baarlamaanka oo qaarkood diyaarinayaan Mooshin ka dhan ah Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, halka kuwo kalena ay ka soo horjeedaan

Cabirka Farta

Sabti, May 17, 2008(HOL): Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay qaarkood u ololeynayaan mooshin ka dhan ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, halka kuwo kalena ay mooshinkaas sharci darro ku tilmaamayaan.

Xildhibaan Maxamed Dhaqane Cilmi oo ka mid ah Xildhibaannada mooshinkan wada ayaa waxaa uu sheegay in ay diyaarinayaan mooshin ay ku ridayaan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, wuxuuna sheegay in sababta ay mooshinkaas u diyaarinayaan ay tahay iyadoo aysan xukuumaddan qaban waxyaabihii ay ballanqaaday markii la soo dhisay, sidoo kalena uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde si wanaagsan uga jawaabi waayay su’aalo ay Xildhibaannada Baarlamaanka weydiiyeen dhawaan.

“Xukuumadda Federaalka wey ku fashilantay howshii loo xil-saaray in ay qabato, sababtaas darteed ayaana mooshinka uga diyaarineynaa, mar dhowna haddii Alle idmo Nuur Cadde iyo Xukuumaddiisa meesha waa ka baxayaan”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Dhaqane Cilmi.

Laakin Xildhibaan Xasan Dhimbil Warsame ayaa mid aan sharci ahayn ku tilmaamay mooshinka ay Xildhibaanadaas diyaarinayaan, wuxuuna sheegay in Xukuumadda Federaalka aysan gaarin waqtigii mooshinka laga geyn lahaa, “Xukuumadda haddii uu Baarlamanka codka kalsoonida siiyo waxaa mooshin laga keeni karaa 6 bilood kadib, Xukuumadda hadda jirtana waxay dhisan tahay afar bilood iyo wax yar, marka mooshinkaas ma ahan mid sharci ah”ayuu yiri Xildhibaan Xasan Dhimbil Warsame.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, mooshinkan la sheegayo in laga diyaarinayo Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxaa ka soo horjeestay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye iyo Odayaasha Dhaqanka Beesha Mudullood, kuwaasi oo sheegay in mooshinkaas uu yahay mid ka dhan ah Kursiga ay Beesha Hawiye ku leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay Xildhibaannada mooshinkaas wada si gaar ah u dulminayaan Beesha Hawiye.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia