Sabti, May 17, 2008(HOL): Dagaal waqti kooban socday ayaa saaka waxaa uu ka dhacay nawaaxiga Warshaddii Baastada ee Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaasina uu ahaa mid la isugu adeegsaday Madaafiicda noocyadeeda kala duwan.
Dagaalka oo madaafiicda la isugu adeegsanayay laga maqlayay xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ayaa wuxuu dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Xarunta Warshaddii Baastada iyo Kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday, wuxuuna dagaalka bilowday kadib markii ay kooxaha hubeysan weerareen gaari ay Ciidamo Itoobiyaan ah saarnaayeen oo ku sii jeeday Warshaddii Baastada.
Lama oga ilaa iyo haatan khasaare uu geystay dagaalkaas oo isugu jira mid soo gaaray Dad rayid ah oo degan xaafadaha u dhow halka uu dagaalka ka dhacay iyo weliba dhinacyada dagaalamay, waxaana taasi ugu wacan iyadoo barta uu dagaalka ka dhacay ay tahay aag dagaal oo dadkii deganaa ay horay uga barakaceen, waxaase jira warar sheegaya in Ciidamo Itoobiyaan ah dagaalkaas lagu dilay.
Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Xarunta Warshaddii Baastada iyo Warshad kale oo u dhow oo lagu magacaabo Xeyla Bariise ayaa waxaa had iyo jeeraale weerar ku qaada Kooxo hubeysan, iyadoo kadibna ay ciidamada Itoobiyaanka sameeyaan howlgallo ay ku baadi-goobayaan kooxaha weerarka ku soo qaada, inkastoo aysan u suurtagelin in ay soo helaan.
Dagaalka ka dhacay nawaaxiga Warshaddii Baastada ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii tegay ay kooxo hubeysan weerarro ku qaadayeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo quraac kala gudubsanayay, kuwaasi oo dhowr maalmood oo is-xiga lagu weeraray nawaaxiga Isgoyska Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay Soomaaliya soo galeen waxaa fariisamadooda lagu qaadaa weerarro, iyadoo sidoo kalena waddooyinka loo geliyo Miinooyin, iyadoo weerarradaasna ay qaadaan kooxo ka soo horjeeda joogitaankooda Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia