Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Jilib

Cabirka Farta

Sabti, May 17, 2008(HOL):  Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ayaa xalay waxay la wareegeen gacan ku heynta Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo ay ka talinayeen maleeshiyooyin deegaanka ah.

Intii aysan Ciidamada Maxkamadda la wareegin gacan ku heynta Degmada Jilib ayaa waxaa dhacay dagaal dhexmaray Maleeshiyooyinkii deegaanka iyo Ciidamadii Maxkamadaha, waxaana lagu soo waramayaa in maleeshiyooyinkii deegaanka laga dilay 3 ruux, halka 3 ruux oo kalena laga dhaawacay.

Guddoomiyaha Ururka Xuquuqda Aadanaha Faanoole Cali Baashi ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka AP in haatan Degmada Jilib ku sugan yihiin Ciidamada Maxkmadaha Islaamka, isla markaana ay Dadka Degmada bilaabeen in ay barakacaan, si ay uga badbaadaan waxyeello ka soo gaarta iska hor-imaadyada labada dhinac.

Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay ku soo xoogeysanayaan Degmooyin badan oo ka tirsan Gobollada Dalka Soomaaliya, waxayna dhawaanahan la wareegayeen gacan ku heynta Degmooyin ka tirsan Gobollada Bay, Bakool, Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, iyadoo haatanna ay u sii gudbeen dhinaca Gobollada Jubbooyinka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia