Dukaamo ay Dad Soomaali ah leeyihiin oo lagu boobay Dalka Koonfurta Afrika

Cabirka Farta

Khamiis, May 15, 2008(HOL): Dukaamo ku yaalay Tuulooyinka ka tirsan Gobollka Gauteng oo la kala yiraahdo Deipsloot iyo Alaksandra oo dhamantood hoos yimaada magalada Johannesburg ayaa loo geystay boob kadib markii ay  mudaharaad sameeyeen dadka deegaanka oo ka cabanayay Dadka Ajaaniibta ah oo inta badan ka soo jeeda Wadamada ay ka mid yihiin Muzambique iyo Zimbabwe iyo Wadama kale oo badan.

Dukamada la boobay ayaa inta badan waxaa lahaa dad kasoo kala jeeda Wadamada Soomaaliya iyo Pakistaan oo iyagu si aad ah uga Dukaameysta Tuulooyinka.

Cali Xussen Cali ( Cali Qorey) oo u waramayay HOL ayaa xaqiijiyay in uu dukaan uu ku lahaa Tuulada Diepsloot la boobay xalay saqdii dhexe markey ahayd saacaddu 2am isagoo si dirqi ah uga soo badbaadiyay Shaqaalihii Dukaanka ka Shaqeynayay iyadoo ay Xabado ku dhaceen Baabuurkii uu watay.

Soomaalida ayaa ku laheyd Tuulada Diepsloot inka badan 20 Dukaan oo lagu iibiyo Raashinka noocyadiisa kala duwan iyadoo inta badan la boobay kuwana si dirqi ah loo soo badbaadiyay.

Shariif Daahir Axmed (Shariif Dheere) oo ka mid ah Ganacsatada Tuulada Deipsloot oo isna iigu waramayay Xafiiska HOL ee magalada Johannesburg ayaa walaac ka muujiyay boobka loo geystay Dukaamadooda asagoo intaas ku daray in ay la yihiin meel ay dhigaan wax xoogaagii ay ka soo badbaadiyeen iyadoo dukaamada qaar laga soo badbadiyay wax yar oo alaab ah.
 
Saciid Cabdulle Herow Hiiraan Online
[email protected]
Johannesurg South Africa