Madaxweyne Xigeenka Somaliland oo ka hadlay natiijada kulankii Xalay ee Madaxweynaha iyo Axsaabta Qaranka

Cabirka Farta

Khamiis, May 15, 2008(HOL): Hoggaamiyeyaasha axsaabta mucaaradka iyo Madaxweyne Rayaale, ayaa xalay fiidkii kulankoodii u horreeyey isku soo horfadhiistay, iyada oo maanta oo taariikhdu tahay 15 May, ay ku egtahay muddadii xilka loo soo doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka. Isla markaana sida uu sheegay Madaxweyne Xigeenku Axmed Yuusuf Yaasiin, oo maanta Shirjaraa’id ku qabtay Aqalka Madaxtooyada, waxa kulankaa ka soo baxay hordhacay heshiis kama-dambays ah oo la filayo in maanta lagu dhawaaqo.

 Kulankan xalay oo ku qabsoomay Qasriga Madaxtooyada, ayaa ilo-xog ogaal ahi waxay tibaaxeen inuu socday wax aan ka badnayn 20 daqiiqadood, isla markaana Xukumadda iyo Xisbiga Udub waxa uga qaybgalay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Ku-xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bulaale; Xisbiga Kulmiye, waxa uga qaybgalay Guddoomiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), Ku-xigeenka koowaad Muuse Biixi Cabdi, Ku-xigeenka labaad Cabdiraxmaan Cabdiqaadir; Xisbiga Ucid-na waxa uga qaybgalay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, Baashe Maxamed (Talaata-codle), Xasan Xuseen.

Sida ay wararka qaarkood tibaaxeena waxa uu kulankani ka dambeeyay markii uu Wasiirka Maaliyadda oo ka socda xukuumadu la kulmay mucaaradka, iyada oo uu markaa la socodsiiyay in berri (maanta) ay la kulmayaan xisbiyada mucaaradka. Balse, sida ay wararku sheegeen waxa taas iska giijiyay mucaaradka, oo dalbaday in kulan guud oo laysugu yimaado ay aqbalayaan uun, inta ka horaysa 15 May. Taasoo horseeday kulanka xalay fiidkii ee qasriga madaxtooyada, kaasoo fure u noqday kulan guud oo maanta loo ballamay in laysugu yimaado. oo uu Madaxweyne xigeenku sheegay in laga rejaynayo in uu noqdo mid wax ku ool ah oo heshiis dhab ah laga gaadho arrimaha taagan.

Dhanka kale, sida ay wararku tibaxeen, waxa iyaguna jira cadaadisyo caalami ah oo Xukuumadda Madaxweyne Rayaale kaga imanayay dhinacyo kala duwan, kuwaasoo lagu sheegay in Madaxweynaha lagu adkaynayay ka hor 15 May inuu xal ka gaadho khilaafaadka cakiran ee hadheeyay geedi-socodkii doorashooyinka, ka dib markii golaha guurtidu sannad ugu kordhiyay mudada ay xilka haynayaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu.

Iyada oo maalmo yar laga joogo xilligii uu Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) dib uga gurtay dhexdhexaadintii uu xalka ugu raadinayay khilaafaadka siyaasadeed, isla markaana uu shaaca ka qaaday in Madaxweynuhu ka horyimi oo uu diiday kulan toos ah oo ay isku soo hor-fadiistaan axsaabta mucaaradka ah, waxaana la sheegay inkasta oo ay jireen dhinacyo isku deyayay inay isa-soo horfadhiisiyaan Madaxweynaha iyo Xisbiyada Mucaaradka ah oo ay ka mid yihiin Komishanka Doorashooyinka, Sallaadiin iyo Akadeemiga Nabadda, ayaa hadana kulanka xalay ay markii ugu horaysay mudadii khilaafaadyadani taagnaayeen sida tooska ah laysugu-soo hor-fadhiistay aanay jirin cid isaga-dab-qaaday labada dhinac oo ka madaxbanaan.
 
 Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland