Khamiis, May 15, 2008(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu ka hadlay raashin ay Ciidamo Itoobiyaan ah u qeybiyeen Dad ka barakacay gudaha Magaalada Muqdisho oo ku sugan deegaanno ka tirsan Degmada Dayniile.

Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Hawiye Maxamed Xasan Xaad
Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in raashin qeybinta ay sameeyeen Ciidamada Itoobiyaanka uu yahay sawir ay ku qaldayaan caalamka.
“Itoobiyaanka ugama baran inay shacabka mucaawino u qeybiyaan, waxa laga sugayana waa madaafiic iyo in ay dadka dilaan, barakiciyaan, hantidoodana ay burburiyaan”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.
Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu intaas ku daray in raashinkaas uu sun noqon karo, isla markaana ay Ciidamada Itoobiyaanka doonayaan in ay ku dilaan inta ka soo hartay madaafiicdooda, wuxuuna ugu baaqay shacabkii raashinkaas qaatay in aysan isticmaalin.
“Waxaan ka tacsiyeynaa in Nin Mas’uul sheeganaya oo ka hadlay meeshii Raashinka lagu bixiyay uu sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ay u gargaarayaan Shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo intaaas ku sii daray in dadka qaata raashinka ay Ciidamada Itoobiyaanka bixiyeen uu liiska Ciidamada Itoobiyaanka geli doono, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Dhanka kalena, Sarkaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo lagu magacaabo Colonel Hadgu Tawalu ayaa isagoo u waramayay Wakaaladda Wararka AFP waxaa uu sheegay in raashinkan uusan ahayn kii ugu dambeeyay, uuna yahay midkii ugu horeeyay , isagoo carrabka ku dhuftay in ay jeclaan lahaayeen in ay caawiyaan Dadka Soomaaliyeed ee baahan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia