Wasiirka Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo rajo wanaagsan ka muujiyay Wada Hadallada ka socda Jabuuti

Cabirka Farta

Khamiis, May 15, 2008(HOL): Wasiirka Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/risaaq Ashkir Cabdi ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay wada hadallada ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay ee loogu kala dab-qaadayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Wasiirka oo hoggaaminaya Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya uga qeybgeleysa Wada Hadallada  Jibouti ayaa sheegay in ay wada hadallada oo heer gebo gebo ah maraya ay rajeynayaan in ay miro wanaagsan ka soo baxaan, inkastoo uu ka gaabsaday in uu sii sheego natiijada iyo go’aannada wada hadallada ka soo bixi doona.

“Ma doonayo in aan ka hor-dhaco gunaanadka iyo go’aannada shirka, waxaanse rajeynayaa in ay wada hadallada ka soo baxaan wax ay ku farxaan Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada ku jira”ayuu yiri Wasiirka Dibu heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/risaaq Ashkir Cabdi.

Hadalka Wasiirkan ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo aysan weli dhicin wax wada hadallo ah oo dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, marka laga reebo in ay u kala dab-qaadeyso Qaramada Midoobay oo Jabuuti isugu geysay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wararka naga soo gaaraya magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ayaa waxay sheegayaan in wada hadallada labada dhinac lagu dhexdhexaadinayo la soo af-jarayo saacadaha soo socda, isla markaana ay labada Wafdi ku kala laaban doonaan meelihii ay kala yimaadeen oo kala ah  Soomaaliya iyo Eritrea, inkastoo ay jiraan warar sheegaya inay wada hadallada sii socon doonaan, isla markaana labada dhinac mar kale la isu keeni doono.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia