AXMED DIIRIYE CALI: “Waxaan cambaareyneynaa Xildhibaannada mooshinka ka diyaarinaya Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde

Cabirka Farta

Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye
Khamiis, May 15, 2008(HOL): Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa wuxuu si kulul u weeraray Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka ka diyaarinaya Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Axmed Diiriye waxaa uu sheegay in Xildhibaannadaas ay yihiin kuwo mar kasta ka soo horjeeda oo mooshinno ka keena Kursiga Ra’iisal Wasaarenimo ee ay Beesha Hawiye qaab-qeybisga u heshay.

“Horay waxay mooshinno uga keeneen Ra’iisal Wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi oo ay ku taagnaayeen, hadana waxaa kawaanka u saaran Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, marka waxaan leeyahay maxay Xildhibaannada ka rabaan Kursiga ay Beesha Hawiye leedahay”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali.

Axmed Diiriye oo wax laga weydiiyay waxa uu ka leeyahay in Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde lagu heysto in uu ammaanka dalka wax ka qaban waayay, sidoo kalena uu markii la doortay yimid sicir barar baahsan oo shacabka Soomaaliyeed ku habsaday waxaa uu sheegay in markii Ra’iisal Wasaaraha la dooranayay uusan dalka Ammaan ahayn, amni darradana ay ka horeysay, sidoo kalena uusan sicir bararka wax lug ah ku lahayn, “Haddii Alle idinka leeyahay markii Nuur Cadde la magacaabayay Dalka dagaallo ayaa ka socday, welina waa ay ka socdaan, sicir bararkana waxaa keenay makiinado Puntland yaala oo sida Joornaalkii Lacag been abuur ah loogu soo daabaco”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn ee magaalada Muqdisho.

Ma waxaad u difaaceysaa Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in uu kaa soo daayay Xabsigii aad bilooyinka ku jirtay ayay ahayd su’aal la weydiiyay Axmed Diiriye, wuxuuna yiri “Aniga Alle ayaa xabsiga iga soo saaray, Nuur Cadde-na wuxuu ka mid ahaa Raggii uu u ololeeyay in xabsiga la iga soo daayo in aan dadaalkaas uu sameeyay uga mahadceliyana jid ayaan u leeyahay”.

Afhayeenka Dhaqanka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in sababta ay Xildhibaannada Baarlamaanka Mooshinka uga diyaarinayaan ay tahay isagoo noqday mas’uulkii ugu horeeyay ee ka tirsan Dowladda Federaalka oo Nabad ku baaqa, wuxuuna caddeeyay in ay Xildhibaanada mooshinka ka wada ay yihiin kuwo aan rabin in ay nabad ka dhalato Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Axmed Diiriye Cali waxaa uu soo hadal qaaday Xildhibaannada Beesha Hawiye ugu jira Baarlamaanka oo aan ka hadleynin tacaddiga mar kasta lagu sameeyo kursiga ay Beesha Hawiye ku leedahay, “Annaga ma garanayo wax aan ku tilmaamo Raggaas Hawiye ugu jira Baarlamaanka, waxaanse leeyahay war haddii aad aayo dambe rabtaan iyo in aad dadkiina wax ka soo doonataan hadda ilaashada masiirkiina, kana eeganina awood qeybsiga lagu xad-gudbayo”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali oo sheegay in hadalka uu sii deynayo uu yahay mid ay la wada qabaan Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia