Warbixin Shirka ka socda Jabuuti

Cabirka Farta

Talaado, 03 June, 2008 (HOL) - Waxaa maanta laba xilli oo aan sidaa u kala fogeyn ka kala dhoofay magaalada Jibuuti ee dalka Jibuuti Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf  Axmed iyo Waftigii ka socday golaha amaanka ee Qaramada midoobay ee kuwada sugnaa Jibuuti.
 
Waftiga golaha amaanka ayaa Saacad ka hor intii aanay ka dhoofin Jabuuti iyagoo kusii jeeda dalka Sudan waxa ay kulan la qaateen xubnaha matalaya bulshada rayidka Soomaaliya ee ku sugan dalka kuwaasoo ay isla soo qaadeen qodobbo fara badan oo khuseeya arrimaha dalka Soomaaliya.
 
Kulanka oo saxaafadda loo diiday in ay ka qeyb qaataan ayaa markii uu soo afmeermay waxaa saxaafadda wax yaabihii leyskula soo qaaday uga war-bixiyay Afhayeenka wafdiga ururrada bulshada rayidka Soomaaliya C/naasir Axmed Cismaan .
 
Afhayeenku waxa uu sheegay in ay waftiga kala hadleen arrimo ay kamid yihiin sidii ciidamada Itoobiya looga saari lahaa dalka Soomaaliya haddii dalka Nabad laga rabo in ay ka dhalato waa sida ay yiraahdeene iyo in maxkamadda dambiyada dagaalka qaadda lasoo taago dadka dambiyada dagaalka ka geystay Soomaaliya ,in lala dagaallamo burcad-badeedda aalaaba hakadka galisa maraakiibta raashiinka ganacsiga iyo midka kaalmada ahba u sida Soomaalida iyo in wax laga baddalo sida loola tacaalo guud ahaan arrimaha bini aadanimo ee ka jira dalka.
 
Waxaa kaloo ay sheegeen in ay kala xaajoodeen wafdiga golaha amaanka sidii wax looga qaban lahaa kalluumeysiga sharci darrada ah ee doonyaha shisheeye ay ka geystaan dalka Soomaaliya ,iyagoo sidoo kalena sheegay in ay golaha amaanka ku wargaliyeen in ay hagradeen Soomaaliya isla markaana ay ka jeesteen oo ay indhaha ka dadbeen mashaakilka ka jira dalka soomaaliya muddada 17-ka sano kor usii dhaafeysa.
 
Dhinacooda wafdiga golaha amaanka ayaa iyaguna wax yar ka hor intii aanay Jibuuti ka dhoofin waxa ay shir jaraa’id ku qabteen isla hotelka Kempniski ee dalka Jibuuti waxaanay shikoodaasi jaraa’id kusoo koobeen waxyaabihii ay kala hadleen guud ahaan wufuuddii Soomaaliyeed ee ay shalay iyo mantaba la kala kulmeen.
 
Wakiilka Koofur afrika u jooga Qaramada Midoobay iyo ergayga Britain  ee isla Qaramada Midoobay ayaa saxaafadda si wada jir ah ugu sheegay in ay Soomaalida kala hadleen sidii loo dhameny lahaa khilaafkooda ,waxaanay xuseen in dhinacyadii ay la kulmeen ay qaarkood soo jeediyeen in Itoobiya dalka laga saaro inta aan wadaxaajood lagalin ka hor halka waftiga dowladda Soomaaliyana ay sheegeen inaanay dowladdoodu sii jiri kareynin haddii Itoobiyaanku ay dalka ka baxaan.
 
Waxa ay sheegeen Goluhu in ay aragtiyadaasi kala duwan maanka ku hayaan isla markaana ay go’aanno kasoo saari doonaan marka ay xartuntooda Newyork dib ugu laabtaan.
 
Labada wakiil ee saxaafadda la hadlay waxaa kaloo ay sheegeen in ay Soomaalida ku boorriyeen in ay wadaxaajoodkan ku dhameeyaan khilaafkooda isla markaana ay kasoo saaraan natiijo wax ka badali karta mashaakilka Soomaaliya.
 
Waxa ay xuseen in haatan dunida oo ay ugu horreyso Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa iyo Goleheeda amaankuba usoo jeesteen dhinaca Soomaaliya isla markaana ay haatan aad u daneynayaan in wax laga qabto mashaakilka dalkaasi sidaa daraadeedna ay lagama maarmaan tahay in guud ahaan dhinacyada is haya ay fursaddaasi ka faa’ideystaan.
 
Waftiga golaha amaanku waxa ay sheegeen in haatanba ay golaha amaanku go’aan ka gaareen arrinta burcad badeedda Soomaaliya iyagoo shaaca ka qaaday in golaha amaanku uu meel mariyay go’aan uu ciidamo suga amaanka maraakiibta isaga gooshta biyaha Somaliya ugu soo diri doono xeebaha Soomaaliya.
 
Dhinaca kale galabta ayaa saminaar ay labada wafdi ee dowladda iyo Isbaheysiga si fool kafool ah isku soo hor fariisteen waxa uu ka dhacay hotelka Kempniski .
 
Saminaarkan ayaa waxaa looga hadlayay arrimo la xiriira dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo kobcinta horumarka dalka iyo qiimeynta qarashka arrintaasi ku bixi karta ,waxaana casharro ka bixnayay  Khubaro ka socota beesha caalamka iyo masuuliyiin ku abtirsata Bankiga Aduunka.
 
Inkastoo aanan looga hadleyn arrimo dhinaca siyaasadda ah iyo sidii loo xallin lahaa dhibaatada Soomaaliya ayaa saminaarkani waxaa markii ugu horreysay isku soo horfariistay labada wafdi ee kala matalaya dowladda Soomaaliya iyo Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

Waxaa warkaan Jabuuti nooga soo diray Jacfar Kuukaay oo la shaqeyn jiray Radiyaha shabeele