Itoobiya oo mar kale Dad Tahriibayaal ah ka soo tallaabisay Xuduudka Somaliland

Cabirka Farta

Talaado, 03 June 2008 (HOL): Dawladda Itoobiya, ayaa mar kale isla bishan gudaheeda Xuduudda u dhaxaysa Itoobiya iyo Somaliland ee magaalada Tog-Wajaale ka soo tallaabisay 57 Qof oo ka soo kala jeeda Somaliland iyo koonfurta Somalia.

Siday xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ahi, dadkan oo 14 ka mid ahi u dhasheen Somaliland, halka 43-ka kalena ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan Koonfurta Somalia, ayaa la sheegay in laga soo qabtay Xuduudka u dhaxeeya Sudan iyo Itoobiya. Halkaas oo ay uga sii tallaabayeen dalka Libya oo sida la filayo qorshahoodu ahaa in ay ka tahriibaan, una gudbaan dalalka Yurub.

Dadkan Somaliland u dhashay ee ka midka ah dadka laga soo tallaabiyay Xuduudka, ayaa ilahaasi sheegeen in ay ka soo kala jeedaan Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Borama oo ay markii hore ka kicitimeen. Tirada dadka ah oo la keenay Magaalada Tog-Wajaale, ayaa ah tiradii ugu yarayd ee laga soo tallaabiyo Xuduudka. Iyada oo isla bishan gudaheeda ay u soo gudbiyeen dhinaca Somaliland 220 qof.

Inkasta oo aanay Xukuumadda Somaliland arrintan iyo kuwii la midka ahaa ee horeba aanay ka hadal, haddana mar aan isku dayay inaan wax ka waydiino Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland ee arrintani khusayso, ayaanay ii suurtogelin.
 
Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland