Soomaalida ku dhaqan Koofur Afrika oo Xaalad Nololeed la soo deristay kadib markii la burburiyay guryahoodii iyo goobahoodii ganacsiga

Cabirka Farta

Rabshad-Wadayaal Koofur Afrikaan ah
Talaado, June 03, 2008(HOL): Indhawaalaba waxaa jiray Dhibaatooyin soo gaarayay Dadka soo galootiga ee ku dhaqan Dalka Koofur Afrika, kuwaasi oo ay ku jiraan Dadka Soomaalida ah.

Haddaba Dadkaasi Soomaalida ah ee haatan dhibaatooyinka ay ku heystaan Dalka Koofur Afrika ayaa waxay noqdeen kuwo Qaxooti ah kadib markii ay cagta mariyeen Madowga Gangster-ka Koofur Afrika, kuwaasi oo dhacay Dukaamadii iyo Hantidii ay lahaayeen.

Dadkaasi oo haatan ku hoos nool Teendhooyin ay u sameysay Hay’adda UNHCR ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa waxaa la soo gudboonaatay xaalad nololeed oo aad u adag, waxaana dadkaas qaarkood la soo deristay xanuunno, halka kuwo kalena aysan xamili karin qabow ka jira Dalka Koofur Afrika.

Halkan ka dhegeyso Warbixinta Sheekadan-HOL

Halkan ka dhegeyso Warbixinta A
Dadkaas badankood ayaa haatan waxay ka door-bidayaan in ay Teendhooyinkaas ku noolaadaan in ay dib ugu noqdaan Dalkooda waa haddii ay heli karaan sahay ay ku aadaan meelihii ay ka yimaadeen Dalka Soomaaliya.

Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, South Africa