Ururka Daljire oo gaarsiiyay Qoysas dhibaateysan Deeq lacageed oo ka timid Jaaliyadda Reer Hiiraan ee Dalka Norwey

Cabirka Farta

Talaado, 3, May, 2008 (HOL)  Ururka Daljirre oo fadhigiisu yahay Magaalada Beledweyne ayaa gaarsiiyay ilaa 75 Qoys  oo isugu jira kuwo soo bakacay, Agoon , iyo waliba dad cuuryaan ah, Deeq la cageed oo gaareysa ilaa 1000 $ doolar oo ay soo dhiibeen Jaalyada Hiiraan ee dalka Norwey.
 
Mas'uuliyiin ka tirsan Ururka Daljirre ayaa u sheegay HOL in ka hor inta aan deeqda la qeybin Ururku qiimeyn ku sameeyay sida dadku u kala daran yahay, waxaana uu sheegay in kuwa hada kaalmada la gaarsiiyay loo gartay in ay yihiin dadka ugu liita marka la eego daruufaha heysta dadka ku soo barakacay gudaha Gobalka halka iyaguna ay jiraan Qoysas heysta  Caruur Agoon iyo Cuuryaamiin isugu jira oo helay kaalamada lacageed.
 
Waxaana ay intaa ku dareen in 75-ka Qoys ee loo qeybiyay lacagta Qoyskiiba uu halay ilaa 400,000 oo Sh, So, taasoo ugu yaraan dabooli karta baahido nolaleed,
inkastoo hadana la garan karo xadiga dhibaatada jirta iyo waliba cadadka lacagta la qeybiyay farqiga u dhaxeeya.
 
Qoysaska dadka soo barakacay ee haley Deeqda lacageed ayaa siweyn u soo dhaweeyay kaalmada la soo gaarsiiyay, waxaana qaarkood ay u sheegeen HOL in ay siweyn ugu farxeen lacagta la siiyay maadaama aysan heysan nolal ku filan islamarkaana aysan yihiin dad ka soo hayaamay deeganadii ay ku noolaayeen.
 
Jaaliyadda Norwey ee lacagta soo gaarsiiyay Qoysaska Tabaaleysan oo uu horkacayo Aadan Xaaji Macow ayaa taalabada ay qaatay waxaa dhinaca kale soo dhaweeyay qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Gobalka, kuwaa oo sheegay in arintani muujineyso sida dadka Soomaalidu isaga damqanayaan meel kastoo ay joogaan, iyaga oo intaa ku daray sidoo in loo baahan yahay Jaaliyadaha kale in ay qaadaan talaabadaa oo kale.
 
Marka aad dhaxtagto xeryaha ay ku nool yihiin dadka soo barakacay ee ka dhisan qeybo ka mid ah Magaalada Beledweyne waxaa durbaba kuu soo baxaya siwar ka turjumaya maraxlada liitada oo ay dadkaasi ku nool yihiin kuwaasoo u badan Caruur iyo haween wajiyadooda laga aqrisan karo dhibka ay ku qabaan xaalada ay ku sugan yihiin.
 
Marka laga soo tago gurmadka dadkaasi ay ka helaan Jaaliyadaha dibada ku dhaqan iyo shaqsiyaadka isku isku xilqaamay ma'jiraan hay'addo si gaar ah uga warqaba nolasha qoysaskaasi kuwaa oo xitaa ugu yaraan gacan ka geysta sidii wax looga qaban lahaa dhibaata dhinaca nolasha ah ee heysta.
 
Ururka Daljirre ee fadhigiisu yahay Magaalada Beledweyne ayaa ka codsaday dadka wax heysta hadii ay ahaa lahaayeen Jaaliyadaha Dibada iyo shaqsiyaadka ka damqanaya nolasha dadka dhibaateysa in ay soo gaarsiiyay kaalmo Qoysaska ku jira xeryaha dadka soo barakacay si markaa looga wada qeyb qaato gurmadka gar gaarka loogu fidinayo.
 
dhinaca kale waxaa xusid mudan in deeqaha loo fidinayo Qoysaskan ay ku soo beegmayaan xili dalka uu ka jiro Sicir barar sameeyn ku yeeshay guud ahaan Qoysaska Soomaaliyeed haba ugu darnaadeen kuwa ka soo hayaamay deeganadii ay ku noolaayeen.
 
Bixinta Deeqdan lacageed ayaa ku soo beegantay xili dhawaan sidoo kale la gaarsiyay qaar ka mid ah Qoysaska soo barkacay ee ku nool magaalada Beledweyne deeq lacageed oo ka timid Jaaliyada fadhigeedu yahay dalka Swedan.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia