Ciidamo Badeed Caalami ah oo loo ogolaaday in ay ka howlgalaan Xeebaha Soomaaliya

Cabirka Farta

Talaado, June 03, 2008(HOL): Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu meel mariyay qaraar ay u soo gudbiyeen Dowladaha Faransiiska, Mareykanka iyo Panama, kaasi oo ku saabsanaa in Ciidamo Nabad-ilaaliyayaal ah loo diro Xeebaha Soomaaliya.

Qaraarkan oo tirsigiisu yahay 1816 ayaa wuxuu dhigayaa in Dalalka taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Ciidamo u diraan Xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo la dagaalami doona Kooxaha Burcad Badeedka ee Maraakiibta iyo Doomaha ku qafaasha Xeebaha Soomaaliya.

Ciidamadan loo soo dirayo in ay ilaaliyaan Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay fasax u qabaan in ay Xeebaha Soomaaliya joogaan muddo lix bilood ah oo ka bilaabaneysa shalay oo uu Golaha Ammaanka meel mariyay qaraarka 1816.

Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay qafaashaan Maraakiibta iyo Doomaha Wada Gargaarka Bani’aadannimo iyo weliba kuwa Ganacsi ee u socda Xeebaha Soomaaliya, iyagoo dhinaca kalena Xeebaha Soomaaliya ka dhigay kuwo khatar ah oo aan lagu safri karin.

Dalalka ay haatan Maraakiibtooda iyo Diyaaradahooda dagaalka joogaan Dalalka Geeska Afrika ayaa loogu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada kale ee loo soo dirayo la dagaalanka Burcad Badeedka Soomaalida, iyadoo go’aanka ka soo baxay Golaha Ammaanka lagu sheegay in dib loo eegi doono, isla markaana uu Goluhu ka fiirsan doono in mudada 6-da bilood ah loo kordhiyo Ciidamada loo dirayo Xeebaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Qaraarkan ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo horay Golaha loogu gudbiyay codsi uga yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon, kaasi oo ku saabsanaa in Ciidamo caalami ah loo diro Xeebaha Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia