Kulan caalami ah oo maanta ay wada qaateen hay’adaha UN-ka iyo maamulka Puntland oo ka dhacay Gorowe

Cabirka Farta

Sabti, 28, Jun, 2008 (HOL): Waxaa maanta xarunta madaxtooyada Magaalada Garowe lagu qabtay kulan caalami ah kaasi oo u dhaxeeyay Maamulka Dawlad goboleedka Puntland iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee ka hawl gala deegaannada Dawlad Goboleedka Puntlnd

Kulanka ay wada qaateen Hay’adaha iyo Maamulka waxaa ka qaybgalay qaar ka tirsan golaha Xukuumadda, waxaana soo qorsheeyay Wasaaradda qorshaynta iyo tirakoobka Caalamiga ah ,iyadoo looga wada hadlay waxqabada hay’adaha ay ka qabtaan Deegaannada Puntlad.

Hay’daha sidoo kale kulankaasi maanta kaga qayb magaalada Gorowe waxaa ka mid ahaa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilasan Horumarinta ee marka magaceed la soo gaabiyo loo yaqaano UNDP iyo NGO yo fara badan oo qaabilsan dhinaca samafalka.

Hay’adaha kulankaasi joogay ayaa soo bandhigay waxqabadkooda ku aadan shacab-weynaha Puntland , waxaana wasiirka qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee Puntland uu sheegay in hay’adaha iyo Maamulkuba ay isla gaareen qodobo wax ku ool ah.

Qaar ka tirsan golaha Wasiirrada Puntland oo shirkaasi joogay ayaa tilmaamay in ay jireen hay’ado ku qaraabta magaca Puntland oo aanan wax ba u qaban dadka tabaalaysan ,iyagoo markii danbe u soo jeediyay in hay’adaha ay dar dar galiyeen hawlahooda samafal ee ku aadan shacabka u baahan.

Shirkan ay maanta wada qaateen hayadaha UNka iyo maamulka Puntland waxa uu ku soo beegmayaa xilli Punland ay waddo dadaalo wax loogu qabanayo dadka gar gaarka u baahan ,waxaana bisha soo socota loo ballan sanyahay in hay’adaha UNka iyo maamulkaba ay wada qaateen kulan caalami ah oo looga hadlayo wax qabadka hay’adaha ka hawlgala Puntland
 
Feysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso ,Somalia