7 Ruux oo uu ku jiro Guddoomiyaha Degmada Xudur oo la dhaawacay

Cabirka Farta

Sabti, June 28, 2008(HOL): 7 Ruux oo uu ku jiro Guddoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macallin Axmed ayaa dhaawacmay kadib markii uu gudaha Degmadaas dagaal ku dhexmaray Ciidamada Maamulka Gobolka Bakool iyo Kooxo hubeysan oo weerar ku soo qaaday.

Guddoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macallin Axmed oo qudhiisa afar meelood dhaawac ka soo gaaray, hayeeshee uu dhaawaciisa fudud yahay ayaa wuxuu sheegay in lixda ruux ee kale ee dhaawacantay ay kala ahaayeen afar ka mid ah Ilaaladiisa iyo labo ka mid ah Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Maxamed Cabdi Tall.

“Kooxihii weerarka nagu soo qaaday waxay dib ugu laabteen dhinaca Degmada Waajid oo ay markii hore naga soo galeen, xaaladda magaaladana hadda waa ay degan tahay”ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macallin Axmed.

Kooxihii weerarka ku qaaday Xarunta Degmada Xudur ayaa waxay qabsadeen shaqaale Ajnabi ah oo u shaqeynayay Hay’ad qaabilsan Miino baarista oo sida la sheegay hoos-tagta Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta Mashaariicda ee UNDP, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn halka ay la aadeen.

Ugu dambeyntiina, Weerarka aykooxaha hubeysan ku qaadeen Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay Hay’adihii samafalka ee ka howlgeli jiray Degmadaas, kuwaasi oo qaarkood loo soo wareejiyay Dhinaca Gobolka Bay, gaar ahaan Magaalada Baydhabo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia