Sabti, 28, Jun, 2008 (HOL) Ciidamo Itoobiyaan ah oo maalmihii aynu soo dhaafnay fariisin ku lahaa Xerada Jante-kuundisho ee duleedka Magaalada Beledweyne ayaa xalay mar kaliya isaga huleelay halkaas sida ay HOL u sheegeen dadka deegaanka.
Ciidamadan oo qaarkoodna lugeynaya kuwo kalena ay la socdaan gaadiidka Dagaalka ayaa u dhaqaaqay dhinaca wadada gasha Gobalka Gal-gaduud inkastoo hadana aan si rasmi ah loo sheegi karin halka ay dhab ahaan ku wajahan yihiin Ciidamada oo bilihii aynu soo dhaafnayba ka waday qeybo ka mid ah Gobalada dhexe dhaq-dhaqaaq Milatari.
Intii ay Ciidamadu joogeen Xerada Jante-kuundisho ee duleedka Magaalada Beledweyne waxaa ay subax walba soo gali jireen gudaha magaalada halkaas oo ay ka qaadan jireen biyaha ay u baahan yihiin, waxaana dhowr jeer lagu qaaday weerarro loo adeegsaday Bam kuwa gacanta laga tuuro ah kaa oo mid ka mid ah Ciidamadu ku toogteen qof rayid ah oo ka dhawaa goobta lagu weeraray.
Markii uu soo baxay warka ku saabsan in Ciidamadu ka baxeen farsiinkoodii Jate-kuudisho ayaa durbaba waxaa lagu arkay qeybo ka mid ah Magaalada xoogaga Maxkamadaha Islaamiga oo meelaha qaar xitaa howl-galo ka sameynaya, gaar ahaan xaafada howl-wadaag oo is rasaaseyn ku dhaxmartay Xoogagda Maxkamadaha iyo kooxo burcad ah oo la sheegay in ay dhac u geysanayeen mid ka mid ah gadiidka xamuulka ah ka baxa gudaha Magaalada.
Dhinaca kale waxaa cidla ah saakay Xarunta Maamulka Gobalka oo aysan soo xaadirin Mas'uuliyiinta Maamulka iyada oo sidoo kalna aysan jirin Ciidamu ilaalo ka haya Xarunta lama garanayo halka ay ku danbeeyaan Mas'uuliyiintii Maamulka Gobalka Hiiraan.
Magaalada Beledweyne ayaa bishan aynu ku jirno waxaa la oran karaa waxaa ay u ahayd bil ammaan darradu gaartay heerkii ugu xumaa, waxaana ka dhacay dilal ujeedo badan ah oo aan la ogeyn halka ay salka ku hayaan, sidoo kale waxaa xiliyada habeenkii oo idil dhagaha dadka ku soo dhacayay rasaas aan la ogeyn sababta loo ridayo iyo cidda lagu ridayo toona, taasi oo sababtay in dadka intiisa badan shaki ka qaado sida xaalku yahay iyo halka arimuhu saldhigan doonaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Ciidamadii Itoobiya ee fariisinka ku lahaa Xerada Janta-Kuundisho ee duleedka Magaalada Beledweyne oo halkaas isaga guuray iyagoo u jiheystay dhinaca Gobolka Galgaduud
Cabirka Farta
More News
- Wararkii ugu danbeeyay ee xaaladda Magaalada Beledweyne oo ay maanta la wareegeen Xoogagga Maxkamadaha Islaamka
- Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo Spain ku sii jeeda
- Kulan caalami ah oo maanta ay wada qaateen hay’adaha UN-ka iyo maamulka Puntland oo ka dhacay Gorowe
- 7 Ruux oo uu ku jiro Guddoomiyaha Degmada Xudur oo la dhaawacay
- Dagaal waqti kooban socday oo ka dhacay qeybo ka mid ah Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho
- Weerar lagu qaaday mid ka mid ah Taliye ku xigeennada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhimasho iyo dhaawac sababay
- Labo Ruux oo ku dhaawacantay weerar xalay lagu qaaday Ciidamo ka tirsan Booliska magaalada Bosaaso
- Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga oo la wareegay gacan ku heyta Magaalada Beledweyne