Dagaal waqti kooban socday oo ka dhacay qeybo ka mid ah Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Sabti, June 28, 2008(HOL): Dagaal waqti kooban socday oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa maanta wuxuu ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, iyadoo dagaalkaasina uu dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugan Fagaaraha Tareebuunka iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Dagaalkan oo dhinacyada uu dhexmaray ay isu adeegsadeen hub culus iyo mid fudud ayaa inta la xaqiijiyay waxaa uu geystay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca seddex ruux oo kale, kuwaasi oo dhamaantood ahaa Dad Rayid ah.

Dagaalka ayaa intii uu socday waxaa ka qeybqaatay Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku leh Isbitaalkii Digfeer, kuwaasi oo soo ridayay rasaas yar yar iyo mid waa weyn, taasi oo qaarkeed ay argagax gelisay dad ku nool xaafado ka fog halka uu dagaalka ka socday.

Nawaaxiga Fagaaraha Tareebuunka ee Degmada Hodan ayaa inta badan waxaa ka dhaca dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo xaafadaha u dhow Tareebuunka ay noqdeen kuwo ay dadkii deganaa uga barakaceen sabab la xiriirta dagaallada ku soo noqnoqda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia