Sabti, 28 Jun 2008 (HOL) Xoogag ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ayaa la wareegay gacan ku heynta Magaalada Beledweyne ee xarunta u gobalka Hiiraan kadib markii xalay xerada Jante-kuundisho ee duleedka Magaalada Beledweyne ay isaga guureen Ciidamadii Itoobiya ee jooga.
Xoogagga Maxkamadaha ayaa markii ay gudaha u soo galeen Magaalada waxaa ay abaareen Xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan oo xiligaa ay ku xoonsanaayeen dad weyne bilillqeysanayay agabkii yaalay gudaha Xaruta iyaga oo kala ceyriyay kooxihii bililiqada geysanayay.
Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada oo la hadlayay dad isku soo baxay ayaa u sheegay in lays dajiyo lana dhowro xasiloonida isaga oo intaas ku daray sida uu hadalka u dhigay in wixii hadda ka danbeeyay Islaamku ka talin doono Magaalada Beledweyne, isla markaana aan loo oglaan doonin Gaalada in ay haweenka iyo Caruurta iska dhax joogaan.
Waxaa kale oo uu intaas ku daray Sarkaalkan in goor dhaw ay soo gaari doonaan Magaalada Mas'uuliyiinta ka tirsan Maxkamadaha kuwaas oo dadka la hadli doona una sheeegi doona ayuu yiri Mowqifka Midowga Maxkamadaha Islaamka.
Wixii warar ah ee soo kordha kala soco wararka danbe ee HOL.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga oo la wareegay gacan ku heyta Magaalada Beledweyne
Cabirka Farta
More News
- Wararkii ugu danbeeyay ee xaaladda Magaalada Beledweyne oo ay maanta la wareegeen Xoogagga Maxkamadaha Islaamka
- Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo Spain ku sii jeeda
- Kulan caalami ah oo maanta ay wada qaateen hay’adaha UN-ka iyo maamulka Puntland oo ka dhacay Gorowe
- 7 Ruux oo uu ku jiro Guddoomiyaha Degmada Xudur oo la dhaawacay
- Dagaal waqti kooban socday oo ka dhacay qeybo ka mid ah Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho
- Weerar lagu qaaday mid ka mid ah Taliye ku xigeennada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhimasho iyo dhaawac sababay
- Ciidamadii Itoobiya ee fariisinka ku lahaa Xerada Janta-Kuundisho ee duleedka Magaalada Beledweyne oo halkaas isaga guuray iyagoo u jiheystay dhinaca Gobolka Galgaduud
- Labo Ruux oo ku dhaawacantay weerar xalay lagu qaaday Ciidamo ka tirsan Booliska magaalada Bosaaso