Axad, 22, Jun, 2008 (HOL) Kooxo hubeysan ayaa goor dhaw meel aan ka fogeyn gurigiisa ku dilay Madaxii Xarunta Cilmi Baarista iyo wada tashiga CRD ee Gobalada Dhexe Eng. Max'ed Xasan Kulmiye.
Sida uu HOL u sheegay mid ka mid ah dadkii la joogay Alle han'unaxariisteen Eng. Kulmiye labo wiil oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa soo dul istaagay Injineerka iyaga oo intaa kadibna dhowr Xabadood kaga dhuftay madaxa iyo laabta, waxaana uu intaa ku daray in markiiba ay baxsadeen.
Eng. Max'ed Xasan kulmiye oo siweyn looga yiqiinay Gobalka Hiiraan iyo guud ahaan Gobalada dhexe Soomaaliya waxaa markii uu dalka dhacay kadib isugu soo baxay guriga uu degan yahay dad weyne aad u faro badan oo ka tiiraanyeeysnaa dhimashadiisa islamarkaana hadala hayay dadaaladiisii dhinaca Nabada waqtigii uu noolaa.
Raga la sheegay in ay dileen Eng. Max'ed Xasan kulmiye ayaa sidoo kale Buutada-Liqliqato ee Xaafada Howl-wadaag horay ugu sii toogtay wiil dhaliyaro ah oo sida wararku sheegayaan ay ka shakiyeen xili ay halkaa ka sii gudbayeen.
Dilka Eng. kulimiye ayaa ku soo beegmay saacado kadib markii isla magaalada Beledweyne kooxo hubeysan ku dileen Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Ciidamadii hore ee xooga dalka kaa oo lagu magacaabi jiray Col. Xasan Bayr.
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa u muuqda kuwo kacsan iyada oo marka aad soo marto wadooyinka Magaalada aad arkeyso dad weyne raxan raxan u taagan waxna iska weydiinaya sida ay arimuhu socdaan, gaar ahaan dilkii ugu danbeeyay ee loo geystay Madaxii hay'ada Cilmi Baarista iyo wada tashiga CRD oo ah sida dadku hadal hayo mid qorsheysan.
ilaa hada majiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka kaa oo ku aadan dilalka is daba jooga ah ee ka dhacay Magaalada, lakiin Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Max'ed Axmed Dhagaweyne ayaa sheegay in ay jiraan howl-galo ka socda qeybo ka mid ah magaalada kuwaa oo lagula dagaalamayo kooxaha sida uu hadalka u dhigay carqalada ku ah Nabad-galyada, balse hadana majirto talaabo uu qaaday Maamulku marka laga soo tago wararka laga sii deynayo Warbaahinta.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Madaxii Hay’adda CRD ee Gobollada Dhexe oo lagu dilay Magaalada Beledweyne
Cabirka Farta
More News
- RA’IISAL WASAARE NUUR CADDE: “Haddii ay suurtagal noqoto in Nabadda laga shaqeeyo oo dagaallada is-taagaan Ciidamada Itoobiya waa baxayaan xitaa haddii aysan Ciidamada UN-ka soo dhameystirmin”
- Mas’uuliyiinta sare ee Isbaheysiga Dib u xoreynta oo Nairobi kula kulmay Dad ka socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya
- Kooxo hubeysan oo ku dilay Xaafada howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadii hore ee Soomaaliya
- Dab baabi’iyay Goobo Ganacsi oo ku yaala Suuqa Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose
- Madaxa Xafiiska Hay’adda UNHCR Muqdisho oo xalay laga af-duubtay Deegaanka Ceelasha Biyaha
- Bambo Gacmeed lagu weeraray Shineemo Afrika oo geystay Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac ah
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo xalay soo gaaray Xerada Janta-Kuundisho oo dhawaan ay isaga baxeen inta badan Ciidamadii joogay
- Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle oo ka hadlay shaqaaqo dhawaan ka dhacay deegaano ka mid ah Gobolkaa
- Dood Cilmiyeed ku saabsan dhowrista Xuquuqda Caruurta oo Muqdisho lagu qabtay
- Dhalinyarada Gobolka Awdal Geeridii Saaxiibadood kadib miyay ku fekarayaan Tahriib!?