Axad, June 22, 2008(HOL): Dab ka kacay Suuq ku yaala Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu baabi’iyay Bakhaarro, Dukuumo iyo Goobo Ganacsi oo Suuqaas ku yaala.
Dabkan oo ka kacay meel Shidaalka lagu iibiyo oo ku taala Suuq ka sameysmay Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa wuxuu khasaare hantiyeed gaarsiiyay Bakhaarro iyo Dukaamo isku dhawaa oo ku yaala Deegaankaas, inkastoo Dabkaas la baqtiyay intii uusan ku wada baahin Suuqa Deegaanka Ceelasha Biyaha.
C/risaaq Axmed Faarax oo ka mid ah Ganacsato Dabkaas ku hanti beeshay ayaa wuxuu sheegay in Bakhaar ay hanti u taalay isaga iyo ganacsato kale uu gebi ahaanba gubtay, wuxuuna sheegay in ay ka baaba’day lacag dhan 20 Kun oo Doollar.
“Goob Basiin lagu iibiyo oo ku dhow Bakhaarka lacagtaas noo taalay ayaa waxaa ka kacay Dab, waxaana ku bas beelay Hanti ay Ganacsato Soomaaliyeed lahaayeen oo dhan 20 Kun oo Doollar, Maqaadiir baa ku dhacday ayaan dhihi karaa”ayuu yiri C/risaaq Axmed Faarax.
Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu yahay Deegaan ay ku barakaceen Dad badan oo ku noolaa Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay guryahoodii noqdeen aagag dagaal, waxaana Deegaanka Ceelasha Biyaha ka sameysmay Suuq weyn oo ka dukaameystaan Dadka wax heysta ee Deegaankaas u qaxay.
Dhanka kalena, Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxaa saaka ka dhacay Banaanbax ay soo qaban qaabiyeen Dadka soo barakacay, waxaana Banaanbaxaasi looga soo horjeeday af-duub xalay deegaanka Ceelasha Biyaha loogu geystay Madaxa Hay’adda UNHCR ee Muqdisho Xasan Maxamed Cali. Dadkani banaanbaxayay waxay dalbanayeen in mas’uulkaas si shuruud la’aan ah loo soo daayo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia