Madaxa Xafiiska Hay’adda UNHCR Muqdisho oo xalay laga af-duubtay Deegaanka Ceelasha Biyaha

Cabirka Farta

Axad, June 22, 2008(HOL): Waxaa xalay gurigiisa oo ku yaala Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose laga af-duubtay Madaxii Hay’adda UNHCR ee magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Cali.

Dad la deris ah Sarkaalkan la af-duubtay ayaa waxay sheegeen in ay kooxo hubeysan oo Gaadiid watay ay kaxeysteen, iyagoo sheegay in aysan aqoonin meel lala aaday.

Sarkaalkan ayaa wuxuu deegaanka Ceelasha Biyaha ka waday howlo loogu gurmanayo Dad badan oo ka barakacay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay nolosha ku adkaatay kadib markii ay gaareen Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Taliye ku xigeenka Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Nuuriye Cali Faarax oo wax laga weydiiyay Af-duubka Sarkaalkan UN-ka u shaqeynayay loo geystay ayaa wuxuu sheegay in ilaa iyo haatan lagu soo wargeliyay in ay Kooxo hubeysan qafaasheen sarkaalkaas  ayna ula dhaqaaqeen dhinaca Magaalada Muqdisho.

Af-duubka xalay loo geystay Sarkaalkan u shaqeynayay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose laga qafaashay Samafalayaal u shaqeynayay Hay’ad Talyaani ah oo lagu magacaabo CINS, kuwaasi oo ilaa iyo haatan ku jira gacanta Kooxihii af-duubtay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia