Kooxo hubeysan oo ku dilay Xaafada howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadii hore ee Soomaaliya

Cabirka Farta

Axed, 22, Jun, 2008 (HOL):  Kooxo hubeysan ayaa goor dhaw ku toogtay Xaafada howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne Sarkaal magaciisa lagu sheegay Xasan Beyr xili sida dad goob joogayaal ah sheegeen uu ku sugnaa ilinka hore Baar lagu magacaabo (Huruwaa) waxaana wararku intaa ku darayaan in kooxihii geystay falka dilka ah ka baxsadeen.

Saraalka la dilay ayaa marka laga soo tago in uu ka tirsanaa Ciidamadii hore ee xooga dalka waxaa uu si toos ah ula shaqeynayay taliska Itoobiya ee jooga Xerada Jate-kuudisho ee duleedka Magaalada Beledweyne lamana garanayo sababaha keenay dilkiisa, waxaana uu ku soo beegmayaa dilka loo geystay sarkaalka goor dhaw lagu toogtay xafada Howl-wadaag ee Magaalada Beledeyne xili isla maalintii shalay lagu dilay Magaalada Askari ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Gobalka Hiiraan horayna ula shaqeyn jiray Ciidamada Federaalka Itoobiya.

Dhinaca kale waxaa goor dhaw joogsaday dagaal xoogan oo saakay ku dhaxmaray inta u dhaxeysa Deegaanka Garisiyaani iyo Nuur-fanax Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda, waxaana wararku intaa ku dayaan in Ciidamada Itoobiyaanku soo dhaafeen goobta dagaalku ku qabsaday kuwaa oo hada soo gaaray Deegaanka Beer-xaano, lamana oga ilaa hada khasaaraha dagaalka maata dhaxmaray Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda inkastoo goonta lagu dagaalamay aheyd meel siweyn ugu badanyihiin dadka reer miiga ah.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo isagana ka hadlay dagaalka ka dhacay deegaanka Nuur-fanax ayaa sheegay in ay sheegay in uu qeyb ka yahay howl-galada sida uu hadalka u dhigay lagula dagaalamayo kooxoha ka soo horjeeda Siyaasada Dowladda iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya, waxaana uu intaa ku daray Max'ed Axmed Dhagweyne in saacadaha soo socda ay soo saari doonaan khasaaraha dagaalka maanta.

Ciidamada maanta dagaalku ku qabsaday inta u dhaxeysa deegaanka Garasiyaani iyo Nuur-fanax ayaa dhawaan ka anba baxay Xerada Jante-kuundisho iyaga oo u dhaqaaqay dhinaca Degmada Buula-burte lamana oga sababta keentay in ay dib u soo laabtaan, lakiin warar kale oo soo baxaya ayaa iyaguna sheegayan in Ciidamada Itoobiyaanku yihiin kuwo ka yimid dhinaca Gobalka Shabeleda dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online.
[email protected]
Beledweyn, Somalia