Axad, June 22, 2008(HOL): Dhalin-yarada Gobolka Awdal gaar ahaan magaalada Boorama ayuu soo food-saartay walaac, islamarkaana ay murugo saamaysay ka dib markii ay maal-mo ka hor ku waayeen Badda isku xidha Liibiya iyo Talyaaniga saaxiibo badan. Iyadoo kuwo badan oo ka mid ahi ay ka rajo dhigeen hami ka hayay inay mar uun hanaan Sibiq-dhaqaaq iyo Suudal ah ugu hayaamaan Yurub.
Sida uu qoray Wargeyska Ogaal dhalinyaro badan oo reer Boorama ah ayaa la waydiiyay waxa uu yahay mawqifkooda ku aadan arimaha tahriibta waxana gabi ahaanba dhalinyaradii wax la weydiiyay ay ku kala duwanaayeen dareenka ay arintan ka bixiyeen waloow ay jirtay cabsi ay ka qabaan sida ay wax u dhacayaan.
Laba wiil oo magacyadoodu kala yihiin Jaamac Talyaani iyo Muxiyadiin feedho-geele oo iyagu ahaa kuwo ka baaqsaday safar tahriib ah oo ay la wadaageen wiilal ka mid ah kuwa maalmahan geeriyooday alle ha u naxariistee ayaa tilmaamay shucuurtooda iyo sida ay uga xun-yihiin dhacdadan waxana ay tacsi u direen qoysaska intii dhimatay oo dhan, iyaga oo ka cudur-daartay in waraysigu sii socdo. Wiil ka mid ah ardayda Jaamacada Camuud oo Lughayanews uga waramaya sida uu u arko arintan ayaa yidhi " Dhamaan inta dhimatay alle ha u naxariistee waan wada garanayaa, waxana uu habeenkii xalay ahaa ii ahaa mid aanan seexan oo aan rumaystay in ay geeridu ku roontay cid aanad garanayn." isaga oo hadalkiisa sii wata wajigiisuna uu qushuuc la fooraro ayuu yidhi "Ma jirto sabab loo yidhaa waan Doolar doonanaynaa ee arintu waa, waan dhimasho doonanaynaa".
Inkasta oo ay dhacdadani si weyn u taabatay dadweynaha magaalada Boorama hadana waxaa jira, shakhsiyaad iyagu weli ku hamiyaya dariiqa dhibta badan ee saaxibadii ku le'deen. "Waxa dhacay waa dhacdo xanuun kulul intii dhimatayna Alle ha u naxariisto, waxase la mid ah oo iyaduna kulul in aad halkan (Boorama) ku sii nagaato, sababta oo ah, waxa aan ahay dhawr iyo labaatan jir aanay cidina u maqnayn ceela u qodnayn, hadii aan sii joogo Booramana waxa ii imanaya wadka waxana la igu aasayaa xabalaha Cara-qoolaab dhimashaduna waa isku mid mar walba." Sidaa waxaa yidhi Jaamac Maxamed Diiriye oo ka mid ah dhalinyarada aaminsan weli tahriibta.
Waxa jirta dhalinyaro badan oo iyaduna ku fikiraysa wali in ay safar cusub oo dhoof ah bilaabaan, waloow ay ku kala duwan yihiin siyaabaha loo ambaqaadayo ayaa hadana waxa ay tahriibtu tahay maanta mid u muuqata in laga niyad jabayo. Waxase iyana aan la dhaafi karin adkaashaha ay adagtahay in si sharci ah dalkan looga baxo iyada oo uu dhoofku yahay mid buuxiyay quluubta dhalinyarada reer oo aad moodo inay jeclaan lahaayeen in ay mar kaliya wada helaan ugolaasho dhoof, oo ah meel ka baxsan uun Somaliland.
Si kasta oo ay ahaataba 18-kii June oo ahayd maalin Arbaca ah waxa ay dhalinta reer Boorama u ahayd maalin si wayn ay u murugaysan yihiin wax walba oo uurkooda jiifana aad ka daalacan karayso wajiyadooda foorarka iyo inaanay makarafoonada iyo kamaradaha saxaafada soo eegi karin. waxana ay ka wada sinaayeen halkayska ah Alle ha unaxariisto intii dhimatay.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland