Khamiis, 19, Jun, 2008 (HOL): Xubno ka tirsan Mas'uuliyiinta Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa ku tilmaamay Dibadbax maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne mid ay soo qaban qaabiyeen shaqsiyaad siyaabo kale wax u arka islamarkaana carqalad ku ah Nabad-galayda guud.
Xubnaha Maamulka qaarkood oo ay xiriir la sameysay HOL ayaa waxaa ay sheegeen in ay fahmi karaa shaqsiyaadka arintaa ka danbeeya lakiin loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo Amaaka oo sida ay hadalka u dhigaan ah mid wada anfacaya bulshada Gobalka Hiiraan.
Mid ka mid ah Saraakiisha Maamulka Gobalka ayaa sheegay in erayada lagu dhawaaqayay qaarkood yihiin kuwo sii kala fogeyn kara shacabka ku dhaqan Gobalka Hiiraan waxaana uu intaa ku daray in hadii ay jiraan Siyaasiyiin dhaliil u haya Dowladda Federaalka loo baahan yahay in ay xiriir la sameeyaan Mas'uuliyiinta sare halkii ayuu yiri qal qal lagu abuuri lahaa bulshada Gobalka.
"Waa wax jira Maamulka cusub in uu ku guuldareystay wax ka qabashada arimo badan oo loo baahnaa in la soo dhameystiro, lakiin marka la eego rabashadihii maanta oo kale waxaa la dhihi karaa arimuhu waa ay ka qoto dheer yihiin sida wax loo dhigayo ayuu intaa raaciyay Sarkaalka la hadlay HOL, waxaana uu intaa ku sii daray in Yuusuf Dabageed yahay Mas'uul waqtigiisa soo qaaday lana og-yahay doorkiisii intii uu Maamulka hayay.
Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan Maalmihii aynu soo dhaafnayba waxaa ka taagnaa rabshado iyo qul qulatooyin ka dhan ah Nabad-galyada taasoo siweyn uga careysiisay in badan oo ka mid ah shacabka ku dhaqan Magaalada kuwaa oo maanta qaarkood Dibad bax markii danbe rabshado isku badalay ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada, inkastoo markii danbe Ciidamadu is hortaageen in Dibad baxu sii socdo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Xubno ka tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan oo ku tilmaamay Banaanbax maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne mid lagu carqaladeynayo Nabad-galyada
Cabirka Farta
More News
- Dagaal xooggan oo galabta ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho
- Shir ay leeyihiin Madaxda Dalalka Islaamka oo la hirdhigayo Qaar Taageero loogu raadinayo Heshiiskii ay dhinacyada Soomaalida ku gaareen Dalka Jibouti
- Banaanbax ka dhan ah Maamulka cusub ee loo magacaabay Gobolka Hiiraan oo maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne
- Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo Nairobi kulamo kula leh Wakiillo ka socda Beesha Caalamka
- Taliye ku xigeenka Ciidamada Dowladda Federaalka ee Xerada Deynuunaay oo is-casilay
- Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda UNHCR oo Beesha Caalamka ugu baaqay in ay Soomaaliya nabadeeyaan
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa Xaafado ka tirsan Degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Huriwaa oo dib ugu laabtay fariisimadooda
- Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan oo sheegay in aysan jirin cid ka mas'uul ah Amaanka Gobalka