Khamiis, June 19, 2008(HOL): Taliye ku xigeenkii Guutada 17aad ee Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku jira Xerada Deynuunaay ee Duleedka Magaalada Baydhabo Col. Ciise Xasan Maxamed (Ciise Gaab) ayaa wuxuu ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Taliye ku xigeennimo ee uu u hayay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Col. Ciise Gaab waxaa uu sheegay in uu go’aanka is-casilaadda ah qaatay kadib markii sida uu yiri uu u madax banaanaan waayay hoggaaminta Ciidamada uu Taliye ku xigeenka u yahay, wuxuuna sheegay in ay faragelin ku sameeyeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Deegaanka Deynuunaay ee Gobolka Bay.
Sidoo kalena, wuxuu Col. Ciise Gaab ku sababeeyay is-casilaaddiisa arrimo dhaqaale iyo siyaasad xumo la soo dersay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sidaas darteedna wuxuu sheegay in uu go’aansaday in uu xilkaas iska casilo.
Ma ahan Sarkaalkii ugu horeeyay oo iska casila xil uu u hayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana horay u jiray Saraakiil dhowr ah oo is-casilay kadib markii sida ay yiraahdeen ay wax daryeel ah ka waayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana la kala sharfay Ciidamada iyo Saraakiisha Dowladda Federaalka.
Dhanka kalena, Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa weerara, isla markaana dilal u geysta Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Sarkaal ay Kooxahaas dilaan ugu dambeeyay Taliyihii Qeybta Galbeed ee Booliska Gobolka Banaadir Ex Col. Xasan Jiif-yare, kaasi oo shalay subaxnimadii ku geeriyooday qarax Miino oo lagula beegsaday nawaaxiga Dugsigii sare ee 21-ka Oktoobar ee Degmada Waaberi.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia