Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda UNHCR oo Beesha Caalamka ugu baaqay in ay Soomaaliya nabadeeyaan

Cabirka Farta

Khamiis, June 19, 2008(HOL): Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa wuxuu booqasho ku tegay Xeryo Qaxooti oo ay ku nool yihiin Dad Soomaali ah oo ka cararay dhibaatooyinka Soomaaliya ka taagan tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore.

Antonio Guterres oo ah Madaxa Hay’adda UNHCR oo Arbacadii Nairobi ku laabtay kadib markii uu booqday xeryo qaxooti oo ku yaala Xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya ayaa wuxuu ugu baaqay Beesha Caalamka inay Soomaaliya nabadeeyaan, isagoo xusay in marka ay Soomaaliya nabad noqoto ay sahlanaaneyso in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo dadka u baahan.

“Codsiga aan u jeedinayo beesha Caalamka waxaa uu yahay in ay arrinta Soomaaliya muhiimad gaar ah siiyaan, isla ay ka shaqeeyaan sidii ay Soomaalida  isugu keeni lahaayeen” ayuu yiri Antonio Guterres oo intaas ku sii daray in Dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa iyagu gaari kara xalka Mushkiladdooda.

Antonio Guterres oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Nairobi kadib markii uu ka soo laabatay Xeryaha Qaxootiga ee ay ku jiraan Dadka Soomaaliyeed ayaa wuxuu sheegay in Dad Qaxooti Soomaaliyeed ah oo tiradooda gaareyso 200,000 ay xalka mushkiladda heysata ku xiran tahay iyadoo marka hore xal laga gaaro khilaafaadyada Siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan.

Xerada Dhadhaab oo ah mid ay ku nool yihiin Qaxooti aad u fara badan oo Soomaaliyeed ayaa waxaa weli gaaraya Qaxooti ka cararay Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo sanadkii la soo dhaafay oo kaliya ay ka yimaadeen dad dhan 20,000 oo qofood, kuwaasi oo hadda ku nool Xerada Dhadhaab.

“Caruurta halkan (Xerada Dhadhaab)  ku dhashay hadda waxay dhigtaan Dugsiyada sare, welina Soomaaliya nabad kama jirto, waxaan u baahan nahay in uu dalkeena nabad noo noqdo, haka daalina in aad nabad raadisaan, beesha caalamkana kama daali doonto in ay na caawiso”sidaas waxaa Antonio Guterres u sheegtay mid ka mid Haweenka hormuudka u ah Qaxootiga ku jira Xerada Dhadhaab

Qiyaas ay sanadkii 2007 soo saartay Hay’adda UNHCR ayaa lagu sheegay in ay Caalamka qaxooti ku yihiin dad dhan 457,000 oo qofood oo aysan ku jirin dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo ay iyana UNHCR ku qiyaastay 850,000 oo qofood.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia