Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa Xaafado ka tirsan Degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Huriwaa oo dib ugu laabtay fariisimadooda

Cabirka Farta

Khamiis, June 19, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo maalmihii aynu ka soo gudubnay ku sugnaa Xaafado ka tirsan Degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Huriwaa ayaa waxay dib ugu laabteen fariisimadii ay ka soo baxeen oo kala ah Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, Warshaddii Baastada iyo Warshaddii Xeyla Bariise.

Ciidamadan oo aad u hubeysnaa ayaa waxay ku sugnaayeen hareeraha Wadada isku xirta Hotelkii Towfiiq iyo Xaafadda Jamhuuriya, sidoo kalena waxay ku sugnaayeen Wadada isku xirta Isgoysyada Fagax iyo  EX-Koontarool Balcad, waxayna sameynayeen intii ay xaafadahaas ku sugnaayeen howlgallo ay guryaha ku baarqayeen.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa xaafado ku sugnaa Degmooyinka Kaaraan iyo Huriwaa ayaa Talaadadii aynu ka soo gudubnay waxaa dagaal xooggan kula galay xaafadaha ay ku sugan yihiin Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya.

Intii ay Ciidamada ku sugnaayeen Xaafadaha ka tirsan Degmooyinkaas ayaa waxay saameyn ku yeesheen Dad badan oo deganaa xaafadaha ay Ciidamadaas ka howlgelayeen, kuwaasi oo qaarkood isaga barakacay guryahooda markii ay Ciidamada Itoobiyaanka arkeen.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa markii ay muddo joogaan waxay sameeyaan howlgallo ay baaritaanno ku sameynayaan, iyadoo aaney ilaa iyo haatan jirin wax la taaban karo oo ay baaritannadooda soo kordhiyeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia