Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan oo sheegay in aysan jirin cid ka mas'uul ah Amaanka Gobalka

Cabirka Farta
Khamiis, June 19, 2008(HOL): Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay dhawaan isaga baxeen Magaalada Beledweyne Ciidamadii Itoobiya ee bilihii aynu soo dhaafnay fariisinka ku lahaa qeybo ka mid ah Magaalada waxaa soo baxayay eedeymo loo jeedinayo Mas'uuliyiinta Maamulka Gobalka Hiiraan oo sida la sheegay ku guuldareystay in ay dhisaan Ciidamo awood leh hanan kara amaanka Magaalada Beledweyne oo ah halka kaliya ee sida tooska maamulku uga arimiyo.
 
Saraakiil sare oo ka tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa si wada jir ah qoraal ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in xiligan aysan jirin cid ka Mas'uul ah Nabad-galyada Gobalka, islamarkaana ay dhici karta mar walba in ay soo baxaan falal ka dhan ah amaanka gaar ahaan iyaga oo farta ku fiiqay suurta galnimada in kooxaha ka soo horjeeda Dowladda is hortaagaan howlaha Maamulka.
 
Saraakiisha qoraalkan soo saaray ayaa intaa ku daray in dhowr jeer oo hore Saraakiisha Itoobiyaanku ka cadsadeen Maamulka cusub in uu soo dhiso ciidamo awood leh oo kala wareega kuwa Itoobiya Amaanka, lakiin taa ma dhicin oo sida lagu sheegay qoraalka waxaa ay Ciidamada Itoobiyaanku isaga baxeen Magaalada xili aysan dhisneyn Ciidamo xitaa ku filan ilaalinta Xarumaha Maamulka.
 
" Hada xaaladu waxaa ay mareysaa in cid kasta oo Mas'uuliyad ka heysa Maamulka Gobalka isku aaminiweyso hoygeed, waana tan keentay in ilaa hada Maamulka cusub uusan qaadin wax talaabo ah ayaa lagu yiri qoraalka oo dhinaca kale dhaliil loogu soo jeediyay Dowladda Federaalka.
 
Marka laga soo tago qoraalka ay soo saareen Saraakiisha Ciidamada, Magaalada Beledweyne xiliyada habeenkii waxaa dhagahaaga ku soo dhacaya Rasaas ay ridayaan Ciidamada Maamulka Gobalka taasoo shaki iyo wal walba ku abuurta dadka ku dhaqan Magaalada oo mar walba maanka ku haya iska horimaad dhaxmari kara Ciidamada Maamulka iyo Kooxaha ka soo horjeeda.
 
Gudoomiyaha Degmada Beledweyne Saalax Maamin Muuse (Yacquub) oo wax laga weydiiyay Rasaasta xiliyada habeenkii laga maqlo qeybo ka mid ah Magaalada ayaa ku tilmaamay in ay yihiin kuwo la xiriira sugida Nabad-galyada, lakiin ma uusan sii faah faahin  waxa  ku qasbi kara ciidamadu in ay ridaan Rasaas intaa la eg.
 
Lakiin Gudoomiyaha gobalka Hiiraan ayaa dhinaciisa sheegay in aysan ogeyn wax qasbi kara in Ciidamadu ay ridaan rasaas aan la aqoon  cida lagu ridayo waxaana uu ka codsaday laamaha Ciidamada in ay xisiloonida dhowraan.
 
Sikastaba lama oga waqtiga uu soo dhamaanayo eedeymaha ay isku jeedinayaan Saraakiisha Nabag-galyada iyo Xubnaha Maamulka Gobalka Hiiraan, inkastoo Gudoomiyaha Gobalku dhowr jeer oo hore uu ku cel celiyay in ay jiraan Ciidamo ku filan in ay hantaan amaanka.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia