Arbaco, June 11, 2008(HOL): Dagaalkan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa waxaa uu ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Dagaalka oo la isugu adeegsanayo hub culus iyo mid fudud waxaa uu qarxay kadib markii ay Kooxo hubeysan weerar ku qaadeen fariisinka ay Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Warshaddii Baastada iyo fariisin kale oo ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ku leeyihiin Xaafadda Ceymiska.
Dagaalkan oo madaafiicda iyo rasaasta la isugu adeegsaday laga maqlayay xaafado ka fog halka uu dagaalka ka dhacay ayaa waxaan ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha uu geystay, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in madaafiicda iyo rasaasta ay labada dhinac isu adeegsadeen ay waxyeello u geysatay dad rayid ah oo aan ahayn labada dhinac ee uu dagaalka dhexmaray.
Sidoo kalena Xarunta Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium oo fariisin u ah Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa iyadana waxaa lagu weeraray madaafiic hoobiyayaal ah, kuwaasi oo la sheegay in ay gudaha u galeen garoonkaas.
Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Isniintii aynu ka soo gudubnay Dalka Jibouti ay heshiis ku kala saxiixdeen dhinacyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, iyadoo qodobada heshiiskaasna uu ku jiro mid sheegaya in xabadda la joojiyo.
Dhanka kalena, Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley oo maanta qadka Taleefoonka shir jaraa’id ugu qabtay Warbaahinta Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ay gacanta ku hayaan Sarkaal Itoobiyaan ah oo isu soo dhiibay kadib markii sida uu yiri uu u adkeysan waayay dagaallada Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ku qaadaan fariisimadooda.
Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley waxaa kale oo uu sheegay in ay maanta isu soo dhiibeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaari dagaal oo ay wateen iyo hubkii saarnaa, wuxuuna sheegay in ay Ciidamadaas soo dhaweeyeen, si wanaagsanna ay u maamuuseen.
“Cid kasta oo dooneysa in ay isa soo dhiibto waxaan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed in ay soo dhaweeyaan oo aysan wax dhibaato ah u geysan”ayuu yiri Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuleey, Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia