Arbaco, June 11, 2008(HOL): Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa maanta waxay gudaha Suuqa Bacaad ee Degmada Yaaqshiid ku dileen Madaxii Hay’adda Women Care ee Degmada Jowhar oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdulle Mahdi.
Markii ay kooxaha hubeysan dileen marxuumka ayaa waxaa uu iska hor-imaad dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kooxihii dilka geystay, iyadoo iska hor-imaadkaasna uu sababay in ay dhaawacmaan seddex ruux oo ka dhawaa halka uu iska hor-imaadka ka dhacay.
Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxyaddiin Xasan Jurus oo dilka marxuumkaas iyo iska hor-imaadkii ka dambeeyay ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in ay baarayaan kooxihii dilkaas ka dambeeyay, isagoo sheegay in ay aad uga xun yihiin kooxihii dilka u geystay Madaxii Hay’adda Women Care Maxamed Cabdulle Mahdi.
Iska hor-imaadkaas kadib ayaa waxaa ku soo faafay Suuq Bacaad oo ah Suuqa labaad ee Magaalada Muqdisho Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku leh Daarta Somali Post oo u dhow Hotelkii Towfiiq, kuwaasi oo hakad geliyay isu socodkii dadka iyo ganacsiga ee Suuqaas.
Marxuum Maxamed Cabdulle Mahdi ayaa marka laga soo tago in uu ahaa madaxii Hay’adda Women Care ee Degmada Jowhar wuxuu sidoo kale ka tirsanaa mas’uuliyiinta Isboortiga Soomaaliyeed, waxaana dilkiisa si weyn uga naxay Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia