Arbaco, June 11, 2008(HOL): Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon ayaa wuxuu soo dhaweeyay heshiiskii ay dhinacyada Soomaalida ku gaareen Magaalada Djibouti ee dalka Jibouti.
Mr. Ban Ki-Moon waxaa uu sheegay in heshiiskaas uu yahay mid muhiim u ah in xal siyaasadeed loo helo dalka Soomaaliyeed, isagoo dhinacyadii heshiiskaas saxiixayna ugu baaqay in ay meel mariyaan qodobadii ay ku heshiiyeen.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon waxaa uu dhinaca kale Beesha Caalamka ugu baaqay in ay taageero Diblumaasiyadeed iyo mid dhaqaale ay ku bixiso sidii uu u dhaqangeli lahaa heshiiskii ay dhinacyada Soomaalida wada gaareen.
Qodobada ay ku heshiiyeen dhinacyada Soomaalida ayaa waxaa ugu muhiimsan in xabadda la joojiyo iyo in muddo 120 maalmood gudahood ah ay Ciidamada Itoobiya Soomaaliya uga baxaan kadib marka ay yimaadaan Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo ku filan sugidda ammaanka Soomaaliya.
Sidoo kalena dhinacyada Soomaalida ah ee heshiiska wada saxiixday ayaa waxaa laga doonayaa in ay fududeeyaan sidii dadka u baahan loo gaarsiin lahaa gargaarka bani’aadannimada ee ay bixinayaan Hay’adaha Samafalka.
Heshiiska ay dhinacyada Soomaalida wada gaareen waxaa sidoo kalena soo dhaweeyay Ururrada Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika, waxayna heshiiskaas ku tilmaameen fursad Soomaaliya u soo baxday oo lagu xalili karo mushkiladda Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia