Ciidamo kala taabacsan Dowladaha Jibouti iyo Eritrea oo maalintii labaad ku dagaalamaya Xadka labadaas dal u dhaxeeya

Cabirka Farta

Arbaco, June 11, 2008(HOL): Ciidamo kala taabacsan Dowladaha Jibouti iyo Eritrea ayaa maalintii labaad waxay ku dagaalamayaan xadka laba dal u dhaxeeya, gaar ahaan halka la yiraahdo Ras Doumeira oo Waqooyi Bari kaga toosan Dalka Jibouti.

Dagaalkan oo bilowday kadib markii ay dhinaca Jibouti soo galeen Saraakiil iyo Ciidamo dhinaca Eritrea ka soo goostay, isla markaana ay Ciidamada Eritrea oo soo dabagalay ay rasaas u fureen dhinaca Jibouti ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu maanta si xooggan u socdo.

Wararka laga helayo dhinaca Jibouti ayaa waxay sheegayaan in uu soo gaaray khasaare la eg 3 dhimasho ah iyo 20 dhaawac ah, iyadoo aan ilaa iyo haatan aan war ah laga heynin dhinaca Eritrea oo ku saabsan khasaaraha dagaalka ka soo gaaray.

Ciidamada labada Dowladood ayaa in muddo ah waxay isku hor-fadhiyeen xadka labada dal, iyadoo labada dowladoodna ay sheegeen in ay ciidamada xadka ka jooga difaac ku jiraan, isla markaana aysan weerar ahayn.
 
Labada Dowladood ayaa waxay ciidamadooda horay u dagaalameen labo jeer oo hore kadib markii ay mas’uuliyiinta labada dowladood is-weydaarsadeen eedeymo ku saabsan in ay midba tan kale ku xad-gudbeyso.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia