Banaanbax lagu taageerayay Heshiiskii ay dhinacyada Soomaaliya ku gaareen Jibouti oo Baydhabo ka dhacay

Cabirka Farta

Arbaco, June 11, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in uu maanta halkaas ka dhacay banaanbax lagu taageerayay heshiiskii ay Jibouti ku wada gaareen dhinacyada Soomaalida.

Banaanbaxaas oo ay ka qeybgaleen Dadweyne fara badan oo isaga kala yimid afarta xaafadood ee Degmada Baydhabo ayaa waxay ku qeylinayeen dadkii ka qeybgalay ereyo ay heshiiskaas ku taageerayeen.

Duqa Magaalada Baydhabo Xasan Macallin Axmed Biikole oo la hadlay dadkaasi taageerayay heshiiskii Jibouti ayaa wuxuu sheegay in heshiiskaas ay si weyn u soo dhaweynayaan, isla markaana ay taageerayaan, wuxuuna sheegay in heshiiskaas uu yahay mid haddii la dhaqangeliyo soo af-jari kara dhibaatada Soomaaliya ka taagan.

Dhanka kalena Magaalooyin hoos-yimaado maamulka Puntland oo aan ka xusi karno Gaalkacyo, Carmo, Boosaaso, Buuhoodle iyo Badhan ayaa waxaa ka dhacay kulamo lagu taageerayay heshiiskii ay dhawaan Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ay ku saxiixeen Dalka Jibouti.

Heshiiskaas oo haddii uu dhaqangalo ay dan weyn ugu jirto Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo iyagu qaba dhibaatooyinka ugu badan ee nabadgelyo darrada ka dhasha ayaaney ilaa iyo ka dhicin banaanbaxyo ama kulamo lagu soo dhaweynayo heshiiskaas, inkastoo ay jiraan dad qalabka Warbaahinta ka taageeray heshiiskaas iyo kuwo kale oo ka soo horjeestay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia