Dad rayid ah oo siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho

Cabirka Farta

Isniin, July 28, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa saacadihii aynu ka soo gudubnay waxaa ka dhacay dilal loo geystay Dad rayid ah, kuwaasi oo ay qaarkood dileen Ciidamada Dowladda, halka kuwo kalena ay dileen Kooxo hubeysan oo aan heybtooda laga garaneynin.

Meydka wiil dhalinyaro ah ayaa saaka waxaa lagu arkay Barxadda Yaasiin ee Degmada Xamarweyne, lamana oga ilaa iyo haatan ciddii wiilkaas dhalinyarada ah ka dambeysay dilkiisa.

Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ayaa iyaguna waxay maanta nin rayid ah ku dileen nawaaxiga Isgoyska Siinaay, iyadoo Ciidamadana ay dilkaas geysteen kadib markii ay ku soo dhexdhaceen dhalinyaro is-ceyrsaneysay oo uu u dhaxeeyay dagaal gacan ka hadal ah oo aan gaarin in hub la isugu adeegsado.

Weli dilalka Muqdisho ka dhacay ayaynu ku jirnaaye Kooxo hubeysan ayaa galabta waxay nin rayid ah ku dileen Xaafadda Suuq  Bacaad ee Degmada Yaaqshiid, lamana oga ilaa iyo haatan sababta ka dambeysa dilka ninkaas rayidka ah.

Xaafadda nasiibuundo ee Degmada Shibis ayaa waxaa ku geeriyooday labo ruux oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen ganacsatada qaadka ka baayac-mushtarta, waxayna labadas ruux oo nin iyo naag ahaa ay geeriyoodeen kadib markii ay haleeshay rasaas ay fureen kooxo hubeysan oo ka dhawaa halka ay ku ganacsanayeen.

Ugu dambeyntiina, Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho ee waxaa caadi ka noqday dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah, iyadoo sidoo kalena ay magaalada ka dhacaan dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia